Riyo layaab leh oo dalka kusaabsan

Su’aasha:

Asc waad ku mahadsan tihiin sida wanagsan ee qiimaha badan ee aqoonta leh eednasiiseen nooguna fasirtaan allah macag

waxaan ku riyooday gaadhi wayn oo sun iyo qashin kabuuxo oo ay wataan niman cadaana ayaa waxay heshiis lagaleen niman madax oo wadankeena ah siloogu shubo qashinkasi sunta ah
waxaan arkay iyadoo ay wada joogan nimanka madaxda ah oon filayo inay ahayen madax ciidan iyo kuwaasi sunta gaadhiga kuwaday ee cadaanka ah markii ay daadin rabeen ayaan gantaal dul mariyay oon ku idhi dhaqaaqa hadii kale toosbaan idiinku dhufan qaata qashinkiina sunta ah wadanka anagaale oo jecele dhakhso ku noqda xagaad katimadeen way baqeen oo way dhaqaaqeen oo ay tageen
kabacdi xaafadayda ayaan imid waxan arkay anoo guriga hortaagan laba ninoo kamida kuwii madaxda ciidan ahaa oo uu fashil may qor shahoodii oo cadhaysan
waxanay maqlayay in ay islahayen ninkani qabta midbaa igu soo socda
kabacdi hooyaday guriga ku jirtay ayaan ku idhi hooyo qoriga iisoo dhiib hooyo anoo islahaa nimankani xunxun sitoosa u dil waaban iska dhaafayoo idaba socdaan
guriga hadan galo waxan ka baqay in ay igaadaan oo waan iska ilaalinayaa hooyo qoriga iisoo dhiib lkn nasiibdaro hooyoday way diiday oo qorigii iimay soo dhiibay oo way idiiday ana korban u qayliyay hooyana way ii diiday oo iimay soo dhiibay waxan filayaa in ay igu xanaaqday

Riyo layaab leh oo dalka kusaabsan
Riyo layaab leh oo dalka kusaabsan

markii danban islahaa hooyo waxay kuugu diiday waxay ka baqday inaad cid ku disho lkn may ogayn in ay kuwani wadankoodi hooyo iibsadeen oo waajibtahay in la laayo
sidaasi ayaan naftayda kula hadlayay
allah mahadle

codsi riyadani haday khayr ii tahay oo ay riyo fiican tahay hala ii fasiro hadii kale oo ay tahay riyo xun waxba ayan la iifasirin
mahadsanidiin.

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa dad inay jiraan wadanka qashin ku guraya oo lacag soo qaatay way dhacday arrintaas in badan, jirrooyinka faraha badan laga arkay soomaali waxaa sabab u ah badda waxa lagu daadinayo, taasna dad khaa’iniin ah ayaa lacag ku qaatay.

Marka aan usoo laabto riyadaada waa riyo aad u fiican oo tilmaamayso inaad noqon doonto qof madax ah oo awood leh, dalkana wax u qaban doono mustaqbalka oo ka difaaci doono dadka xumaanta wada, shacabka soomaaliyeedna inaad daacad u noqon doonto riyada waa riyo aad u fiican oo qiima badan leh.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More