Neefka la gowracayo garmuu xaaraan noqdaa waa maxay shuruudaha

Su’aasha:

Ilaahay SWT qur,aanka wuxu inoogu sheegay in ehlu kitaabka cuntadoodu xalaal inoo tahay sidoo kale dumarkooda aynu guursan karno haday muxsanaat yihiiin, hadana aayado kale ah ilaahay wuxu inoogu sheegay inaynaan cunin gawrac aan ilaahay magiciisa lagu xusin oo uu yahay fisqi sidaynu la soconana muslimiinta ayuunbaa ilaahay xusa markay wax gawracayaan( bixasbi cilmii) hadaba nusuustaa sidee la isku waafajinayaa akhiil kariim.
Waxaan kunoolahay deegaan ay muslimiinta iyo Christan ku isku dhex noolyihiin mucaamalaadna ka dhexeeyo laakiin muslimiintu ay aqlabiyada yihiin.

Neefka la gowracayo garmuu xaaraan noqdaa waa maxay shuruudaha
Neefka la gowracayo garmuu xaaraan noqdaa waa maxay shuruudaha

Jawaabta:

Diinta islaamka way bannaysay ehlu kitaabka waxa ay gowracaan in la cuni karo, marka ay xusaan magaca Ilaahay, sida la og yahay ahlu kitaabka guud ahaan waxay rumaysan yihiin Alle asal ahaan diintooda waxay ahayd diin sax ah laakin taxriif ayaa la galiyay, teeda kale waxaa nasakhday diinta islaamka, xukunka qaarkii sidiisa ayaa lagu dhaafay sida in la guursado hablahooda dhowrsan iyo in la cuno neefka ay gowracaan, xataa haddii yihiin kuwa diintooda aan waxba ka garanaynin, waxaa loola dhaqmaa sida kuwa diintooda haysta oo kale, in sidaas loola dhaqmo kama dhigayso inay janno galayaan oo ay iimaan haystaan, kaliya waxaa loo fududeynayaa muslimiinta maadaama ay nala aaminsan yihiin anbiyada hore iyo kutubta Alle ku soo dejiyay wuxuu yiri Ibnu Almunthir:

(وأجمعوا على أن ذبائح أهل الكتاب لنا حلال إذا ذكروا اسم الله عليها)

(Waxay isku waafaqeen (culimada) in xalaal ay yihiin waxyaalaha ay gowracaan ahlu kitaabka hadday ku xusuun magaca Alle)
Laakin haddii neefka ay u gowracaan qaabka casirga ah oo korontada lagu dilayo markaas qoorta laga jaro taas xalaal ma noqonayso.

Aayadda ah:

(وَلَا تَأْكُلُوا مِمَّا لَمْ يُذْكَرِ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ وَإِنَّهُ لَفِسْقٌ ۗ وَإِنَّ الشَّيَاطِينَ لَيُوحُونَ إِلَىٰ أَوْلِيَائِهِمْ لِيُجَادِلُوكُمْ ۖ وَإِنْ أَطَعْتُمُوهُمْ إِنَّكُمْ لَمُشْرِكُونَ)

(Ha cunina waxaan lagu Xusin Magaca Eebe, illeen waa Xumaane, Shaydaamaduna waxbay u Sheegaan Saaxiibkooda inay idinla murmaan, Haddaad Maqashaanna waxaad Noqonaysaan Gaalo).

Waxay ka hadlaysaa mushrikiinta oo sanamka caabudaya waxa ay gowracaan, teeda kale ma aha qofka muslinka hadduu neef gowraco oo uusan ku xusin magaca Alle inuu xaaraan yahay, xadiis ayaa jira sharxaya arrintaas  waxaana wariyay Bukhaari waa kanaa:

 

(أنَّ قَوْمًا قالوا: يا رَسولَ اللَّهِ، إنَّ قَوْمًا يَأْتُونَنا باللَّحْمِ لا نَدْرِي أذَكَرُوا اسْمَ اللَّهِ عليه أمْ لا، فقالَ رَسولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ: سَمُّوا اللَّهَ عليه وكُلُوهُ).

صحيح البخاري

 

(Dad ayaa yiri: rasuulkii Allow dad ayaa noo keeno hilib ma garanayno inay ku xuseen magaca Alle iyo in kale, wuxuu yiri rasuulkii Alle (SCW): idinka ku xusa Alle ee cuna)

Way jiraan culimo adkeeyay oo shardi ka dhigay in magaca Alle neefkaan lagu xusin inuu xaaraan yahay xataa hadduu bireeyo qof muslin ah, laakin waxaa xoog badan in xalaal uu yahay waxa ay gowracaan ehlu kitaabka iyo muslimiinta hadduu waafaqsan yahay shuruudda gowricidda oo ugu muhiimsan neefka in qoorta laga jaro asoo nool.

Waxaas oo dhan waxaa ka baxsan haddii shirki loola jeedo xataa qofka muslinka ah markaas neefka hadduu ku gowraco qaab shirki ah waa xaaraan, marka mas’alada tafaasiil dheer ayaa ku jirto oo kutubta si fiican loogu sharxay oo aan halkan lagu soo koobi karin.

 

Yahuuda Hada joogta ma waxay kasoo faracmeen Reer binu Israiil

You might also like
1 Comment
  1. Qofka biyaha shahwadiisa ma liqi karyaa!
    Armaan says

    Jazaakallah akhii, jawaabtani su aashaydii way iga shaafiday

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More