Illuminate ma wax jira baa?

Su’aasha:

Wanku salamay sxb een waxaan ku weydiiyey waxaan arkay dad badan oo ka sheekeynaya urur ay shaydaamada ku mideysanyihiin oo loo yaqaano illuminate marka ururkaan sheydaamada waxay leeyihiin baa lagu sheegay calaamado ayaga u gaar ah oo lagu yaqaano dadka ururkooda ka tirsan marka kooxdan sheydaamada ma bin aadam baa mise waa jinni bal faah faahin iga sii sxb.

Illuminate ma wax jira baa?
Illuminate ma wax jira baa?

Jawaabta:

Kooxda Illuminate  la baxay asal ahaan waa koox loo dhisay qaab qarsoon waxaa la aasaasay sanadka markuu ahaa 1776-kii waxay u kala bahaan dhowr koox kala duwan waxay ku xiran yihiin kooxda free mason la dhaho waxayna kasoo jeedaan yahuudda, adduunka oo dhan ayay ku faafsan yihiin ujeeddada ay u socdaan waa inay Dajjaal soo dhoweeyaan oo ay dumiyaan masjid al-aqsaa oo booskiisa ay ka taagaan dhismaha loo yaqaano temple ama haygal.

Illuminate waa dad banii-aadan ah laakin sixir iyo shayaadiin bay adeegsadaan, sidoo kale waxay adeegsadaan dadka caanka ah fanaaniinta iyo madaxda iyo siyaasiyiinta, waxayna faafiyaan wax kastoo xun oo akhlaaqda dadka ka burburinaya, astaamaha ugu muhimsan waa insha oo ku dhex jirto haram, ishaas waxay ku sawiran tahay lacagta 1-ka doolar.

Halkaan ayaad ka heli kartaa faahfaahin dheeraad ah:

https://en.wikipedia.org/wiki/Illuminati

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More