Mucjisada Israha iyo micraajka iyo nusuusta cadcad

Dhacdada dheelmiska ama israha iyo micraajka waa dhaco dhab ah oo quraanka kariimka si toos u sheegay, waa dhacdo caan ah oo qof kaste muslin ah uu garanayo, inkastoo dad jaahiliin ah oo hadda isku dayaya inay inkiraan dhacdadan oo ay sheegaan hadalo aan sax ahayn sidoo kale kuwo culimo isku sheeg ah iyagana ay isku dayaan nusuusta kusoo aroortay israha inay baddalaan ama si qaldan ay u fasiraan.

Mucjisada Israha iyo micraajka iyo nusuusta cadcad
Mucjisada Israha iyo micraajka iyo nusuusta cadcad

Alle (SW) quraanka wuxuu ku yiri:

{سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَى بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى الَّذِي بَارَكْنَا حَوْلَهُ لِنُرِيَهُ مِنْ آيَاتِنَا إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ}

(waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyay Addoonkiisa (Nabiga) Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan Tusinno Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka)

Waxaa kaloo tilmaamay qisada micraajka naskan, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{مَا كَذَبَ الْفُؤَادُ مَا رَأَى * أَفَتُمَارُونَهُ عَلَى مَا يَرَى * وَلَقَدْ رَآهُ نَزْلَةً أُخْرَى * عِنْدَ سِدْرَةِ الْمُنْتَهَى * عِنْدَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَى * إِذْ يَغْشَى السِّدْرَةَ مَا يَغْشَى}.

(Qalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu) * Ee ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay * Dhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale * Sidratul-Muntaha agteeda * Agteedana waxaa ah Jannatul-ma’waa * (Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.)

Sidrtu almuntahaa, waana karaamaynta Allaha sarreeya uu karaameeyay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee), waa meesha ugu sarraysa qof aadane uu tago.

Socdaalka israha iyo micraajka waxaa ku sugnayd arrin weyn uu Alle (caza wa jalla) ku gaaryeelay umaddan, waxaana ugu weyn faradyeelidda salaadda, haddiyadaas rabbaaniga oo ku xiraysa addoomaha rabbigooda (caza wa jalla), wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(ففَرض عليَّ خمسين صلاةً في كلِّ يومٍ وليلةٍ، فنزلتُ إلى موسى (عليه السلام)، فقال: ما فرض ربُّك على أُمَّتِك؟ قلتُ: خمسين صلاةً، قال: ارْجِعْ إلى ربِّك فسَلْه التَّخفيفَ، فإنَّ أُمَّتَك لا تُطيقُ ذلك… فقلتُ: يا ربِّ خَفِّفْ عن أُمَّتي)، فلم يزل نبينا (صلى الله عليه وسلم) يراجع ربه (عز وجل) حتى قال له ربه سبحانه: (إنهنَّ خمسُ صلواتٍ كلَّ يومٍ وليلةٍ لكلِّ صلاةٍ عشرٌ ، فَذَلِكَ خَمْسُونَ صَلَاةً).

(Wuxuu igu faradyeelay konton salaadood habeen iyo maalin kaste, waxaan usoo degay Muuse (nabagdalyo korkiisa ha ahaatee) wuxuu yiri: muxuu ku faradyeelay rabbigaaga ummadaada? Waxaan ku iri: konton salaadood, wuxuu igu yiri: u noqo rabbigaaga oo weyddiiso fududeyn, ee umaddaada ma karto arrintaas… waxaan iri: rabbiyow ka khafiifi umaddayda) nabigiina wuxuu ku sii noqnoqonayay rabbigiisa (cazza wa jalla) ilaa uu ka yiraahdo rabbigiisa (SW): (iyaga waa shan salaadood habeen iyo maalin kaste salaad kastana toban ayay leedahay, taasna waa konton).

 

Sida nabiga (SCW) uu sheegay waxaa lagu qaaday Buraaq wax loo yaqaano, wuxuu leeyahay (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(أُتيتُ بالبُراقِ، وهو دابَّةٌ أبيضُ طويلٌ، يضعُ حافرَه عند مُنتهَى طرْفِه)

(Waxaa lay keenay buraaq waa dabaad cad oo dheer qoobkiisa wuxuu dhigayaa meesha araggiisa ku dhamaado)

Wuxuu la kulmay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee) anbiyada iyo rususha, awoodda Alle uu u leeyahay noolaynta ayaa meesha kasoo muuqatay maxaayeelay Alle wuxuu yiri:

{إِنَّمَا أَمْرُهُ إِذَا أَرَادَ شَيْئًا أَنْ يَقُولَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ}

(Amarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado).

Wuxuu u soo nooleeyay nabiga (SCW) anbiyada iyo rususha, wuxuu ku dujiyay salaadda masjidka Al-aqsaa, kuwana wuxuu kula kulmay samada sare dhamaan way soo dhaweeyeen, khayrna way ugu duceeyeen, taasna waa oofinta ballantooda ay Alle (SW) la galeen oo ku sugan oraahda Alla sarreeya:

 

{وَإِذْ أَخَذَ اللَّهُ مِيثَاقَ النَّبِيِّينَ لَمَا آتَيْتُكُمْ مِنْ كِتَابٍ وَحِكْمَةٍ ثُمَّ جَاءَكُمْ رَسُولٌ مُصَدِّقٌ لِمَا مَعَكُمْ لَتُؤْمِنُنَّ بِهِ وَلَتَنْصُرُنَّهُ قَالَ أَأَقْرَرْتُمْ وَأَخَذْتُمْ عَلَى ذَلِكُمْ إِصْرِي قَالُوا أَقْرَرْنَا قَالَ فَاشْهَدُوا وَأَنَا مَعَكُمْ مِنَ الشَّاهِدِينَ}.

((Xusuuso) markuu ka qaaday Eebe Ballan adag Nabiyada waxaan idinsiiyo oo Kitaab iyo Xigmo ah markaas idiin yimaado Rasuul rumeyn waxaad haysataan waa inaad rumeysaan una gargaartaan, kuna yidhi (Eebe) Ma qirteen oo ma qaadeen Arrintaas Ballankeyga ah oo dheheen waan qirnay (ogolaanay) markaas ku yidhi Marag ka noqda Anna la jirkiina yaan ka mid noqon kuwa marag kici)

Waxyaalaha uu arkay waxaa ka mid ah beytulmacmuurka ee ku yaalla samada, wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

 

(فإذا أنا بإبراهيمَ مُسنِدًا ظهرَه إلى البيتِ المعمورِ، وَإِذَا هُوَ يَدْخُلُهُ كُلَّ يَوْمٍ سَبْعُونَ أَلْفَ ملَكٍ، لا يَعُودُونَ إِلَيْهِ)،

(Ibraahiim ayaa dhabarkiisa ku tiirsanaa beytulmacmuurka, maalin kaste waxaa soo gala toddobaatan kun malag mana kusoo laabtaan), Alle (caza wa jalla) beytulmacmuurka ayuu ku dhaartay  sharaftiisa iyo weynidiisa awgeed, wuxuu leeyahay Alle (SW):

{وَالبَيْتِ المَعْمُورِ}

(Iyo gurigii cammirraa (beytulmacmuur)

Sidoo kale waxaa lasoo tusiyay jannada iyo naarta iyo aaydao kale badan, Sheekh Albuusiiri wuxuu kusoo arooriyay qisadan gabaygiisa Burdada  wuxuu yiri:

سـريـتَ مـن حـرمٍ لـيـلاً إلـى حـرمِ * كـما ســرى البـــدرُ في داجٍ من الظُّـلَــمِ
وَبِـتَّ تَـرْقَـى إلَـى أنْ نِـلْتَ مَـنْـزِلَة ً * من قـــابِ قــوســــيــنِ لم تـــدركْ ولم ترمِ
وقـدَّمـتــكَ جـمـيـعُ الأنـبـيـاءِ بـهــا * والـرُّسْــلِ تَقْدِيمَ مَــخْــدُومٍ عَـلَـى خَـــــدَم

Habeen baad xaram uga dheelmatay xaram
Siduu dayuxu habeen mugdi ugu socdo *
Waad sii fuulaysay ilaa aad darajo ka gaarto*
Qaanso xadhiggeed aan la gaarin lana doonin
Dhamaan anbiyada way ku hormariyeen *
Iyo rususha sida looga hormariyo sayidka adeegaha

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More