Riyada lacag qof kugula dhegayo

Su’aasha:

ASC gudomiye : waxaan Ku riyooday anigoo lacag toban Rand oo xoga badan wata dhexdeeda a ay Ku jirto lagac boqolbol Rand jeebka markaan Sii gashan rabay ayaa waxa dhacday lacagtii boqol boqilka ahayd oo Ku dhex jirtay lacagtas lakin waxay Ku dhex jirtay ayadoo is Ku kuusan mida lagacatta toban tobanka Rand ah ay fidsanayd kadib nin baa qabsaday oo yiri anay iga dhacday kadibna erayo kulkul kadib lagactii waa uu isoo celiyay marka riyadad ii fasir waan ogahay inaad garanayso cadadaha lacagta an halkan Ku isticmalno iyo see Kala yihin AAD ayad u mahadsantahaay.

Riyada lacag qof kugula dhegayo
Riyada lacag qof kugula dhegayo

Jawaabta:

WCS Gudoomiye.

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad qof ganacsi degdeg idin dhex mari doono ama wax inaad wadaagi doontaan, in shirko idin ka dhexayn doonto, adiga aad ka faa’idi doonto ganacsigaas waxaana laga yaabaa fursad inay tahay laakin ninkaas uu isku dayi doono wax inuu is daba mariyo laakin oo aysan u suurtagali doonin, riyada dhinac bishaaro ayay ka tahay dhinacna waa digniin oo lagaaga digayo inaad taxdarkaaga qabto, in aad ka digtoonaato dadka aad la tacaamulayso wax dhib ah kuuma keenayso bal waxaa laga yaabaa inaad kaga badbaado dhib kugu soo socda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More