Liinta Sixirka iyo isha kahor tag ma u tahay

Liinta Sixirka iyo isha kahor tag ma u tahay

Su’aasha:

Asc waxaan in badan maqlay in liin dhanaanta ay kahor tag u tahay Isha Sixirka iyo Jinka Marka iyada iyo qolofteeda la isku Cuno

Aniga liinta ima dhibto waan cunaa iyada iyo qolofteeda markii hore ma jeclaan jirin balse in badan aan isku qasbay Hada Balwad ayey iinoqotay maalinta iima hagaagsano aniga oo liin iyo qolofteeda isku cunin oo Shaaha ku darsan

Daliil majiraa oo Diini ah oo cadeenaya in liinta kahor tag u tahay Sixirka iyo isha.

Liinta Sixirka iyo isha kahor tag ma u tahay
Liinta Sixirka iyo isha kahor tag ma u tahay

Jawaabta:

Daliil kuma soo aroorin liinta inay jinka ama isha kahor tagto, kaliya dadka jinka daaweeyo waxay shegaan marka liin iyo sanjabiil iyo toon iyo salliid seytuun laysku daro ay jinka dhibayso taasna waxaa laga yaabaa qibradooda inay ku ogaadeen.
Laakin xadiis saxiix  oo Bukhaari wariyay ayaa sheegay timirta cajwada ee Madiina Almunawara ay sixirka kahor tagto
wuxuu yiri rasuulka (SCW):

 

(مَن تَصَبَّحَ كُلَّ يَومٍ سَبْعَ تَمَراتٍ عَجْوَةً، لَمْ يَضُرَّهُ في ذلكَ اليَومِ سُمٌّ ولا سِحْرٌ).

 

(Qofkii ku afbilowdo maalin kaste toddoba timir cajwo ah, maalintaas sun iyo sixirba ma dhibayaan)

 

Waxtarka liinta

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More