Faalka mar uu xalaal yahay miyaa jirto

Su’aasha:

Asc Sida Diinta cadeysay Faalka ay dadka qaar ee aqoonta u leh ay fiirsadaan sax ma ahan waana dambi aaminaadiisa

Lkn waxaan maqlay in mar uu xalaal yahay ay jirto oo ah Marka qofka uu xaalad kama dambeys ah ama dhib wayn Soo wajahdo ay xalaal u tahay ma sax baa mise waa wax jiro Guud ahaan Faalka ma Xaaraan cad baa mise waa karaahiyo.

Faalka mar uu xalaal yahay miyaa jirto
Faalka mar uu xalaal yahay miyaa jirto

Jawaabta:

Faalka ay soomaalidu taqaano oo qofka wax loo fiirinayo afka carabiga waxaa loo yaqaanaa caraaf   عرافة qofka sameeyana waxaa la dhahaa carraaf عرّاف , waxaa kaloo la dhahaa kaahin  كاهن , dadka waxay u tagaan markii wax ka lumo ama in qof mustaqabalkiisa loo fiiriyo.

Faalka waa dambi lama oggola qofka muslinka inuu ku dhaqmo ama uu u tago qof faallow ah, xadiis saxiix ayaa kusoo arooray oo reebaya waliba ka digaya wuxuu yiri rauulka (SCW):

(مَن أتَى عَرَّافًا فَسَأَلَهُ عن شيءٍ، لَمْ تُقْبَلْ له صَلاةٌ أرْبَعِينَ لَيْلَةً).

(Qofkii u tago faallow oo weyddiiya wax, lagama aqbalayo salaad afartan habeen)

Xadiiskan Muslim ayaa wariyay, wuxuu daliil u yahay inuu faalka dambi yahay waliba halis ah, wuxuu yiri saxaabiga weynaa Cabdullaahi bin Mascuud (RC):

(من أتى عرَّافًا أو ساحرًا أو كاهنًا فسألَهُ فصدَّقَهُ بما يقولُ فقد كفرَ بما أنزلَ على محمَّدٍ)

(Qofkii u tago faallow ama sixirrow ama kitaabgaablow oo wax weyddiiya oona rumeeya waxa uu dhahayo wuxuu ku kufriyay wixii nabi Muxammad (SCW) lagu soo dejiyay)

Marka qof og ma jiro waxa qaybka ah iyo wixii dhici doono.

Dadka qaar waxay isku qaladaan faalka midka laga wado hadalka fiican oo rajada ku dhisan, kaas waxaa laga wadaa qof inaad ku dhahdo inshaa Allaah waad guulaysan doontaa meel sare ayaad gaari doontaa adoo ka wado rajo aad u rajaynayso wanaag, kaas shaqo kuma laha kan aan soo sheegay, waliba xadiis saxiix ah ayaa tilmaamay, rasuulka (SCW) wuxuu yiri:

 

(لا طِيَرَةَ وخَيْرُها الفَأْلُ قيلَ: يا رَسولَ اللهِ، وما الفَأْلُ؟ قالَ: الكَلِمَةُ الصَّالِحَةُ يَسْمَعُها أحَدُكُمْ).

 

(Baasaysi ma jiro waxaa ugu fiican faalka (saadaasha fiican) waxaa la yiri: muxuu yahay faalka? wuxuu yiri: waa ereyga wanaagsan uu midkiina maqlayo).

Taas oo laga wado waligaa dadka ha u saadinin wax xun, kaliya wanaag u rajeey, dadka niyadda u dhis u duceey, waligaa wax ha baasaysanin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More