Kutirikuteenka islaamka muxuu ka qabaa

Waa maxay kutirikuteen? waxaa laga wadaa kutirikuteenka hadlka aan la hubin oo la dhex wareejiyo bulshada inta badan wuxuu ku salaysan yahay geen oo ujeeddo laga leeyahay.

Kutirikuteenka islaamka muxuu ka qabaa
Kutirikuteenka islaamka muxuu ka qabaa

wuxuu yiri Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَكُونُوا مَعَ الصَّادِقِينَ}

(Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Alle noqdana kuwa la jira runlowyaasha), wuxuu yiri Alle:

{مَا يَلْفِظُ مِنْ قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ}

(Kuma hadlo oraah hadday dhacdana waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).)

Wuxuu yiri Alle subxaanahu:

{وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا}

(Hana raacraacin waxaadan cilmi u lahayn, Illeen maqalka, aragga iyo qalbigaba waa lays warsane)

Waxaa ku sugan xadiiska Mucaad bin Jabal – Ilaahay raalli haka noqdee – markuu nabiga u caddeeyay waajibaadka islaamka iyo albaabada khayrka, wuxuu ku yiri:

(وَإِنْ شِئْتَ أَنْبَأْتُكَ بِرَأْسِ الْأَمْرِ وَعَمُودِهِ وَذُرْوَةِ سَنَامِهِ) ، قَالَ معاذ : أَجَلْ يَا رَسُولَ اللَّهِ. قَالَ : (أَمَّا رَأْسُ الْأَمْرِ فَالْإِسْلَامُ ، وَأَمَّا عَمُودُهُ فَالصَّلَاةُ ، وَأَمَّا ذِرْوَةُ سَنَامِهِ فَالْجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ، وَإِنْ شِئْتَ أَنْبَأْتُكَ بِمِلَاكِ ذَلِكَ كُلِّهِ) ، فقَالَ: مَا هُوَ يَا رَسُولَ اللَّهِ؟ قَالَ: (فَأَهْوَى بِإِصْبَعِهِ إِلَى فِيهِ) ، قَالَ: فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، وَإِنَّا لَنُؤَاخَذُ بِمَا نَقُولُ بِأَلْسِنَتِنَا؟ قَالَ: (ثَكِلَتْكَ أُمُّكَ، هَلْ يَكُبُّ النَّاسَ عَلَى مَنَاخِرِهِمْ فِي جَهَنَّمَ إِلَّا حَصَائِدُ أَلْسِنَتِهِمْ؟) .

(Haddaad rabto waxaan kuu sheegayaa arrinka madaxiisa iyo tiirkiisa iyo meeshiisa sare) wuxuu yiri Mucaad: waa yahay rasuulkii allow, wuxuu yiri: (arrinka madixiisa waa islaamka tiirkiisana waa salaadda meeshiisa sarena waa jihaadka dar Alle, haddaad rabto waxaan kuu sheegaa arrinkaas oo dhan waxa lagu hanan karo) wuxuu yiri: muxuu yahay rasuulkii allow? , wuxuu yiri: (fartiisa ayuu afkiisa aaddiyay)  wuxuu yiri: waxaan ku iri: rasuulkii allow ma waxaan dhahayno miyaa lanagu qabsadaa? wuxuu yiri: (hooyadaa haku weysee miyuu dadka sankooda ugu tuurayaa Jahannmo waxaan ahayn carrabkooda wuxuu u keeno mooyee).

wuxuu yiri nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(كَفَى بِالْمَرْءِ كَذِبًا أَنْ يُحَدِّثَ بِكُلِّ مَا سَمِعَ)

 (Qofka waxaa ku filan been inuu sheego waxkastoo uu maqlo)

wuxuu yiri Alle:

{لَئِنْ لَمْ يَنْتَهِ الْمُنَافِقُونَ وَالَّذِينَ فِي قُلُوبِهِمْ مَرَضٌ وَالْمُرْجِفُونَ فِي الْمَدِينَةِ لَنُغْرِيَنَّكَ بِهِمْ ثُمَّ لَا يُجَاوِرُونَكَ فِيهَا إِلَّا قَلِيلًا}.

(Haddayna ka joogin munaafiqiintu iyo kuwa qalbiga ka buka iyo kuwa gilgili (beenta ku faafin) Madiina waanu kugu diri kulamana darsayaan wax yar mooyee).

wuxuu yiri Alle:

{وَقَالَ الْكَافِرُونَ هَذَا سَاحِرٌ كَذَّابٌ}

(Waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah)

Si masabidaad ah waxay u sheegteen inuu yahay gabyaa oo waalan, wuxuu yiri Alle:

{وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُو آلِهَتِنَا لِشَاعِرٍ مَجْنُونٍ}

(Oo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan)

Mar waxay faafiyeen inuu yahay kitaabgaablow Alle ayaa beentooda iyo masabidaaddooda ka jawaabay asoo leh:

{إِنَّهُ لَقَوْلُ رَسُولٍ كَرِيمٍ * وَمَا هُوَ بِقَوْلِ شَاعِرٍ قَلِيلًا مَا تُؤْمِنُونَ * وَلَا بِقَوْلِ كَاهِنٍ قَلِيلًا مَا تَذَكَّرُونَ * تَنْزِيلٌ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ}.

(Qur’aanku waa hadalkii Alle uu u soo dhiibay Rasuul sharaf leh * Hadal gabayaana ma aha, wax yar ayaad rumaynaysaan (xaqa) * Hadal wax sheegana ma aha wax yar ayaad waantoomaysaan * (Qur’aanku) wuxuu ka soo degay Allaha Caalamka.)

Maalinta Xamraa Al-asad mushrikiinta waxay faafiyeen in Qureysh ciidan badan ay u diyaarisay weeraridda Madiina iyo la dagaallanka nabiga iyo asxaabtiisa, laakin muslimiinta diintooda ayay ku sugnaadeen, kutirikuteenka waxba kama tarin, Ilaahay wuxuu ku amaanay oraahdiisa:

{الَّذِينَ قَالَ لَهُمُ النَّاسُ إِنَّ النَّاسَ قَدْ جَمَعُوا لَكُمْ فَاخْشَوْهُمْ فَزَادَهُمْ إِيمَانًا وَقَالُوا حَسْبُنَا اللَّهُ وَنِعْمَ الْوَكِيلُ * فَانْقَلَبُوا بِنِعْمَةٍ مِنَ اللَّهِ وَفَضْلٍ لَمْ يَمْسَسْهُمْ سُوءٌ وَاتَّبَعُوا رِضْوَانَ اللَّهِ وَاللَّهُ ذُو فَضْلٍ عَظِيمٍ}.

(Ee ah kuwaa ay ku dhaheen dadku dadkii baa idiin kulmay ee ka cabsada oo u siyaadiyey rumeyn, oy dhaheen kaafiyahanagu waa Ilaahay isagaana u fiican wakiil * Oo la noqday nicmo Alle iyo fadli oyna taaban xumaan raacayna raalli ahaanshaha Alle, Ilaahayna waa fadli wayn lahaade).

Maalinta Xuneyn marka la faafiyay in nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee – la dilay, nabiga wuxuu ka hortagay kutirikuteenkan asoo leh:

(أنا النَّبيُّ لا كَذِب ، أنا ابْنُ عَبْدِ المُطَّلب)

(Anigaa nabiga ah beenna ma aha, anigaa ah ina Cabdilmudalib)

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

( إِنَّ العَبْدَ لَيَتَكَلَّمُ بِالكَلِمَةِ مِنْ رِضْوَانِ اللَّهِ ، لاَ يُلْقِي لَهَا بَالًا ، يَرْفَعُهُ اللَّهُ بِهَا دَرَجَاتٍ ، وَإِنَّ العَبْدَ لَيَتَكَلَّمُ بِالكَلِمَةِ مِنْ سَخَطِ اللَّهِ ، لاَ يُلْقِي لَهَا بَالًا، يَهْوِي بِهَا فِي جَهَنَّمَ )

(Addoonka wuxuu ku hadlayaa erey oo ka mid ah raalliga Alle asoon ka war haynin Ilaahayna darajooyinka uyuu ugu kordhinayaa, addoonka wuxuu ku hadlayaa erey ka mid ah carada Ilaahay asoon ka war haynin, naarta Jahannamo ayuu ugu dhacayaa) (Saxiix Albukhaari).

wuxuu yiri Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنْ جَاءَكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوا أَنْ تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ}

(Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad ka shallaydaan waxaad fasheen), wuxuu yiri rasuulka:

(التَّأَنِّي مِنَ اللهِ ، وَالْعَجَلَةُ مِنَ الشَّيْطَانِ)

(Deganaanta waa xagga Alle degdegana waa xagga shaydaanka), wuxuu yiri rasuulka:

(التُّؤَدَةُ فِي كُلِّ شَيْءٍ إِلَّا فِي عَمَلِ الْآخِرَةِ) .

(Xasilloonida meel kaste ayay ku jirtaa camalka aakhira mooyee)

wuxuu yiri Alle:

(إِذْ تَلَقَّوْنَهُ بِأَلْسِنَتِكُمْ وَتَقُولُونَ بِأَفْوَاهِكُمْ مَا لَيْسَ لَكُمْ بِهِ عِلْمٌ وَتَحْسَبُونَهُ هَيِّنًا وَهُوَ عِنْدَ اللَّهِ عَظِيمٌ)

 (Markaad kula kulmaysaan qadafka carrabkiinna oo aad ku dhahaysaan afkiinna waxaydaan ogayn, una malaynaysaan wax fudud isagoo Alle agtiisa ku wayn)

Wuxuu leeyahay rasuulka:

(مَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلاَ يُؤْذِ جَارَهُ ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلْيُكْرِمْ ضَيْفَهُ ، وَمَنْ كَانَ يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَاليَوْمِ الآخِرِ فَلْيَقُلْ خَيْرًا أَوْ لِيَصْمُتْ)

 (Qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro yuuna dhibin deriskiisa , qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakkhiro martidiisa ha karaameeyo, qofka rummaysan Ilaahay iyo maalinta aakhiro  wanaag ha sheego ama ha iska ammuso).

wuxuu yiri Alle:

{لَوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بِأَنْفُسِهِمْ خَيْرًا وَقَالُوا هَذَا إِفْكٌ مُبِينٌ}

 (Maxaydaan markaad maqasheen xaalka (qadafka) ayna ugu malayn mu’miniinta ragga iyo haweenka naftooda khayr, oyna u dhihin kaasi waa been abuur cad)

nabiga wuu nooga digay arrinkaas markuu yiri:

(إِيَّاكُمْ وَالظَّنَّ، فَإِنَّ الظَّنَّ أَكْذَبُ الحَدِيثِ، وَلاَ تَحَسَّسُوا ، وَلاَ تَجَسَّسُوا ، وَلاَ تَحَاسَدُوا ، وَلاَ تَدَابَرُوا، وَلاَ تَبَاغَضُوا، وَكُونُوا عِبَادَ اللَّهِ إِخْوَانًا)

(Iska jira malada, malada waa warka ugu beenta badan, ha baarbaarina hana jaajuusina hana is xasdina hana isu jeedinina babada hana is nicina, noqda addoomaha Ilaahay oo walaalo ah)

wuxuu yiri Alle markuu sifada munaafuqiinta caddeynayay:

{وَإِذَا جَاءَهُمْ أَمْرٌ مِنَ الْأَمْنِ أَوِ الْخَوْفِ أَذَاعُوا بِهِ وَلَوْ رَدُّوهُ إِلَى الرَّسُولِ وَإِلَى أُولِي الْأَمْرِ مِنْهُمْ لَعَلِمَهُ الَّذِينَ يَسْتَنْبِطُونَهُ مِنْهُمْ وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ لَاتَّبَعْتُمُ الشَّيْطَانَ إِلَّا قَلِيلًا }

 (Markuu u yimaaddo amar nabadgalyo ah ama cabsi way faafiyaan hadday u celiyaan xagga rasuulka ama kuwa cilmiga leh oo ka mid ah waxaa ogaan lahaa kuwa la soo baxa (dhabta) oo ka mid ah, hadduusan jirin fadliga Ilaahay korkiinna ah iyo naxariistiisa waad raaci lahaydeen shaydaan wax yar mooyee),

wuxuu yiri rasuulka:

 (مَنْ رَدَّ عَنْ عِرْضِ أَخِيهِ رَدَّ اللهُ عَنْ وَجْهِهِ النَّارَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ)،

(Qofka waalaalkiisa sharftiisa difaaco Ilaahay wejigiisa naarta ayuu ka reebayaa maalinta qiyaame).

Alle kitaabkiisa kariimka ah wuxuu ku yiri:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَقُولُوا قَوْلًا سَدِيدًا * يُصْلِحْ لَكُمْ أَعْمَالَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَمَنْ يُطِعِ اللَّهَ وَرَسُولَهُ فَقَدْ فَازَ فَوْزًا عَظِيمًا}،

(Kuwa (xaqa) rumeeyoow ka dhawrsada Alle hadal toosanna ku hadla * haydiin wanaajiyo camalkiinna hana idiin dhaafo dambigiinee, ruuxii adeeca Alle iyo rasuulkiisa wuxuu u liibaanay dhab ahaan liibaan weyn)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More