Anoo hurdo soo jeed ah ayaa wax ijiidanaayo anna waan qaylinayaa

Su’aasha:

Asc sxb sare waanku salaamay dhawaanahan waxaan isku arday markii la gaaro layl barkii ama sagaalka saac anoo hurdo ku jiro baa waxaan dareemaa in wax i jiidanaayo xaley baa ugu dambeyse anoo wax inay i ceejiyo rabaan aan xoog usoo kacay intaan hurdada ku jiray waan qaylinaayey balse qayladeeda codka kama soo bixin marka xaaladaas oo kale maxay u baahantahay maxaase lagu micneynkaraa?

Anoo hurdo soo jeed ah ayaa wax ijiidanaayo anna waan qaylinayaa
Anoo hurdo soo jeed ah ayaa wax ijiidanaayo anna waan qaylinayaa

Jawaabta:

Waan ku salaamay saaxiibka qaaliga ahow salaan kaddib:

Riyada noocan oo kale waxay tilmaamaysaa waaqaca aad ku sugan tahay inaad awoodi la’dahay arrimo la rabo inaad fuliso, waxaa lagaa rabaa inaad dib isu eegto oo aad fiiriso waxa kaa qaldan, riyada ceejiska iyo jiididda iyo cadaadiska carabka iyo hadal la’aanta waa riyo dad badan qabsato waliba waxay timaadaa qofka markuu u dhexeeyo soojeed iyo hurdo.
Waxaad u baahan tahay inaad sheegto wax laakin ma sheegan kartid. Marka riyada waxay tilmaamaysaa waxa aad xambaarsan tahay oo aad ku mashquulsan tahay, shaydaankana xoogga ayuu ksuoo saaraan cabsi ayuu kugu abuuraa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More