Fasirka Riyada Qof ku kufay suuq

Su’aasha:

Waxaan xaley ku riyooday ani iyo Hooyo oo isla socono waxaana soconay meel dhiiqo badan oo suuq ah, xitaa kabta ayaa iga siibmatay markaasaan intaan dib u laabtay ayaan soo gashtay hooyo ayaan ku dhahay meeshaan meel dhiiqo badan waaye maad naga dhaaftid iyadana wexee idhahday waa caadi markaan suuqii gudaha u galnay hooyo qof sabiibaxay dhiiqadii ayay igula ekaatay si tartiibna gab ugu dhahda miis meesha yaalay koley hadal baan ku dhahay inkastoo aan xasuusan waxay igu tiri marka riyadaas oo kale maxaa lagu tarjumi karaa wll.

Fasirka Riyada Qof ku kufay suuq
Fasirka Riyada Qof ku kufay suuq

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad gali doontaan dhibaato iyo rafaad waxay noqon kartaa khasaaro kaaga imaan karto dhinac walba haddaad tahay ganacsade ama qof wax kale ka shaqaynayo. waliba suuqa waxaa laga fahmayaa khasaarada xagga hantida inay noqonayso.
Dhiiqada guud ahaan waa dhib iyo murug xagga nolosha marka lagu dhex kufo waxay sii caddeynaysaa dhibka inaad ku dhici doonto.
Marka Ilaahay ha idinka leexiyo sharta.

Raadraac

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More