Riyada aragtida jiniga iyo suuqa iyo mugdiga

Su’aasha:

Asc bahda daruuro wllayal ilahay ha idinbarakeeyo akhiriyo aduunba wll waxan kuriyooday 3 riyo iska aga dhow waxaa jira suuq iidhow waan ka adeegan jiray markaa waxaan kuriyoday habeen anoo suqa kaloo idhow kasoo adeegtay waxyarna iga dhimanyahihiin adeega waxan isdhahay suuqankasoo gado markaa waxa iga hortimid naag waan dhafay markaan cabaar socday ban dib fiiriyay waaba naag jina markaa quraan baan afka saaray aayad kursiga iyo suuratu baqra markaan meeshii suuqa garay waaba nin jina oo wax igu soo furaya sida dabayshoo kala ah anina ayad kursi iyo ayada suuradu baqara u horeeya iyo qul acuudiyadan ku celcelinayay aad u aqriyya wana iska celiyay habeenkala waxaan kuriyooday anoo suuqa kasoo adeegtay ayuu qof icadhsaday massajidbanaka galay marka habeen hore waxan kuriyoday anoo suuqa aad isdhahay markaan u dhaqaqay hortayda mugdi noqotay markan gurgayaga xagiisa fiiriyo waa ifitiii saa ida waxana marayay haween waawayn waxan ku dhay mugdiga kasoo laabta waxayna idhaheen lootadam marka ladhaafo waa iftiine ina keena waxaan dhahay ani suuqaan marabo suuqaakalan aadi waanankasoo laabtay iifasira wlalyaal.

Riyada aragtida jiniga iyo suuqa iyo mugdiga
Riyada aragtida jiniga iyo suuqa iyo mugdiga

Jawaabta:

Seddexda riyo waa isku fasir xiriir ayaa ka dhexeeya, waxaa lagaaga digayaa meelaha sharta ah oo mugdiga ah oo ay xumaanta ka jirto, waxaa lagu leeyahay ka fogow meelahaas xataa hadday dadka qaar aadayaan, waxaa kaloo laguu sheegayaa inay tahay waddada kaliya aad ku badbaadi karto quraanka kariimka gaar ahaan aayadaha ka hortagaya sixirka iyo shayaadiinta, sida ayaatu kursi iyo suuratu albaqara iyo mucawithateenka, riyada waa riyo kaaga digayso meelaha  xun inaad aaddo ama aad wax ka doonto, shardi ma aha suuqaas inuu xun yahay, guud ahaan ayaa laga wadaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More