Riyada arooska gabar aad garanayso

Su’aasha:

asc waad mahadsantihiin marwalba
Allah macak
1 waxaan ku riyooday aniga oo doonay gabadh dabadeed hudheel kii ay xaasku igu sugaysay goor fiida imid anoo wada gaadhi land cruiser oo madaw ah iyadoo barxada hudheelku doog leedahay ayaan soo istaagay roob ayaana da’ayay anoo faraxsan ayaan koray jaranjaro dheer

1 waxaan ku riyooday anigoo asxaabtayda lajooga oo ay ileeyihiin waa caruuskii oo Guursaday gabadha Aan Guursaday na waan garanayaa

3 waxaan ku riyooday aniga oo la jooga xaaskayga oo aad u qurux badan oo indha waawayn oo ii dhashay wiil yaroo ilaa 2 ilaa 3 sano jira aanu dayr ku ciyaarsiinayno anagoo faraxsan

Allah mahadle.

Riyada arooska gabar aad garanayso
Riyada arooska gabar aad garanayso

Jawaabta:

1- Riyada aad doonanayso gabar waxay tilmaamaysaa guur toos ah

2- riyada asxaabtaada ay sheegayaan aroosadda iyadana isla riyada hore ayay la macne tahay guur ayay tilmaamaysaa.

3- midda ugu dambaysa waxay tilmaamaysaa mustaqbalka iyo barwaaqada aad heli doonto. iyo ubadka aad ka heli doonta xaaska cusub, guud ahaan waa riyo bishaaro ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More