Riyada aabbaha oo laga difaacayo eey soo weeraraya

Su’aasha:

Asc bahda Daruur.com, riyo ayaan arkay waxayna ahayd sidatan: waxay ahayd wakhti habeenimo ah waxaanan joogay meel magalada kayara baxsan oo Cidlo ah, sidaan iskaga fadhiyay aya waxaan arkay aabahay oo soosocda meel aan aad iiga dheerayn kadib wuu fadhiistay isagoo xaajo gudanaya aniguna sheedda ayan kasoo fiirinayay, isagoo xaajadiisii ufadhiya aya waxa dhiniciisa usoo dhaqaaqay ” ayyad” ( dhadiga eyga) si ay u waxyeellayso, kadib waan soo orday markay waxyr usoo jirsatay lkn aanay qaniinin ayaan soogaadhay kadib indhaha ayan ciid kaga shubay, aabahayna uu kacay kadib markale ayay nagusoo noqotay hadana indhaha ayaanu ciid kaga shubnay dib ayaanay Ulaabaty, mar 3aad ayay hadana nagusoo noqotay hadana sidii ayaanu samaynay, intan ficilkan kujirnay aabahay aad ayaan udifaacayay intaan naftayda ucabsanayayna waxa ka badnayd intaan tiisa u cabsanyay ,ugu danbayntii ayaddii waanu ka adkaanay, Riyadaaa ii fasira wllo.

Riyada aabbaha oo laga difaacayo eey soo weerarya
Riyada aabbaha oo laga difaacayo eey soo weerarya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa aabbahaaga inaad ka difaaci doonto naag cadow ah familkiina dhib la maagan adaana sabab u noqonaya inaad ka difacdo naagtaas, haweeneydaas aabbahaaga waxay u diidan tahay nasasho iyo wanaag, mana aha naag si fudud looga adkaan karo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More