Riyada anoo duulaya hadana cagahahayga dhulka ka qaadanyihiin

Riyada anoo duulaya hadana cagahahayga dhulka ka qaadanyihiin

Su’aasha:

Walaal waxaan xaley ku riyooday ani iyo waxaan isla soconay gabar habaryartay dhashay oo la qabo igana weyn, marka waxaan dhex soconay laamiga, markaasaa anagoo sii sheekeysaneyno ayaa baabuur caasi ah sigay balse anaa daf intaa siiyay ka hor wareejiyay laamiga markaase ii mahad celisay cabaar markaan ku soo dhacnay jidka xaafadeeda baan arkay wiilal aniga i fowdeynaayo waxaan arkaa anoo gacanta sii heysta gabadhii hadana aan duulayo cagahaygiina dhulka ka qaadsanyihiin marka riyadaas oo kale maxaa lagu fasiraa walina magacaaga iimaad sheeginee bal isheeg.

Riyada anoo duulaya hadana cagahahayga dhulka ka qaadanyihiin
Riyada anoo duulaya hadana cagahahayga dhulka ka qaadanyihiin

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof aad u qiime badan magac iyo aqoon iyo hanti leh oo dadkiisa ka badbaadinaya dhibka, waa riyo aad u wanaagsan, waliba duulitaanka wuxuu tusaa inaad noqon doonto qof jago haya masuul ah oo awood leh, waa riyo aad u waangsan oo bishaaro ah.

Waliba qaabka aad u aragtay oo aad ka badbaadisay gabadha shilka gaariga, sidoo kale dadka idin fowdeynayay kuwaas dhan waxay tilmaamaan hadalka aan soo sheegay.

riyada duuliidda waxaa kaloo ay tilmaamysaa inaad helayso wixii aad ka fikirayso iyo mustaqbal wanaagsan.

 

 

 

Riyada islaamo suufi ah oo durbaan tumanaya

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More