Dhaarta beenta lagu dhaaranayo kitaabka quraanka karimka danbiga ay leedahay

Su’aasha:

A S C, su’aashan qabo waxa weeyan dhaarta beenta lagu dhaaranayo kitaabka quuranka karimka danbi inte leeg bay leedahay iyo qof’ka been ku dhaartay kitaabka quraanka sidu ilaahay (s,w) ugu danbi dhaafaya mida kale arin walba ma lagu dhaaran kara kitaabka quraanka jawaab fah faahsan o dag daga igasoo siiya idinko mahad san.

Dhaarta beenta lagu dhaaranayo kitaabka quraanka karimka danbiga ay leedahay
Dhaarta beenta lagu dhaaranayo kitaabka quraanka karimka danbiga ay leedahay

Jawaabta:

Asal ahaan dhaarta waa in lagu dhaarto Alle magaciisa ama sifo ka mid ah sifooyinkiisa, waxaa soo galaya quraanka haddii lagu dhaarto, wax kale lama oggola in lagu dhaarto oon ahayn intaan soo sheegay.
Marka dadka musxafka ama kitaabka quraanka gacanta saarta oo markaas dhaarta dhaartaas waa isla dhaarta Alle quraankiisa lagu dhaaranayo waxay ka wadaan arrintaas adkayn ay adkeenayaan dhaarta ay dhaarteen.
Sidoo kale qofka ma saari karo gacanta markuu dhaaranayo kitaab aan ahayn quraanka, shardina ma aha qofka marka uu dhaaranayo inuu gacanta saaro quraanka, dhaarta Alle lagu dhaarto uma baahna arintaas.
Wuxuu yiri Ibnu Alcarabi oo ka mid ahaa culimada muslimiinta asoo ka hadlaya gacanta in la saaro quraanka kariimka marka la dhaaranayo:

(هو بدعة لم يرد عن أحد من الصحابة، وقد أجازه الشافعية)

(waa bidco kama soo aroorin saxaabada culimada Shaaficiyada ayaa banneeyay)

Qofka dhaaranaya hadduu been u dhaartoa waa dami weyn oo ka mid ah dambiyada kabaa’irta, abaalkiisana waa naar waxaa waajib ku ah inuu ka towbad keeno dambigaas, in kafaaro laga rabo iyo in kale khilaaf ayaa ka taagan.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More