Qofka dadka ka baqayo inuu la hadlo xalkiisa muxuu yahay

Su’aasha:

Asc walalayal aad baa ugu mahadsan tihiin talooyin quruxda badan aad dadka usoo gudbineesiin wallal aniga waxaa ahay arday dhigta jaamacad waxa is ku arkay cabsi aan dadka ka cabsanayo la hadlidooda waayo marka hadal is dhaha ani dhan cub baa noqonaya maxaa keena waxaas tallo isiiyaa oo aan waxaas aaga gudbo waxa rajeenaa inaa talo fiican isiin doontaan INAHALLAH

Qofka dadka ka baqayo inuu la hadlo xalkiisa muxuu yahay
Qofka dadka ka baqayo inuu la hadlo xalkiisa muxuu yahay

Jawaabta:

Waxaad u baahan tahay kalsooni, waa inaad ku kalsoonaataa naftaada, waa inaad ogaataa qof kaste dunida ku nool inuu ceeb leeyahay, waswaaska shaydaanka yuusan ku marin, waxaa laga yabaa shaydaanka inuu kugu akhriyo oo kugu dhaho: ninyahow hadaad hadasho qalad ayaad galaysaa, hadalkaaga ma fiicana, waxaas ayaa kaa maqan, afkaaro badan ayuu shaydaanka madaxa kaaga abuurayaa heer waxaad gaaraysaa inaad yaxyaxdo oo aadan dadka dhexgali karin, marka sidaan kuu sheegay ogow in dadka hadalkooda uusan qiime lahayn, waliba dadka xaasidiinta ah adoo wax aan kaa qaldanayn ayay qalad kaa soo saaraan, jirkaada ayay wax ka sheegaan labiskaaga ayay wax ka sheegaan, way ku duraan waxaas oo dhan dhag jalaq looma siiyo, ku dadaal barashada diinta, tafsiirka quraanka iyo axaadista, kalsooni weyn ayaa laga helaa kitaabka Ilaahay iyo axadiista rasuulka (SW).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More