Fasirka riyada hanti layska xoogayo

Su’aasha:

Waxaan ku riyooday aniga oo gaadhi wata ila socdaanna wiil iyo inan kale oo aan aqaan oo iyagunna gaadhi gaara watay ahna laba isjecel, kadib waxa aan istaagay oo gaadhigaygii oo daaqaduhu u furan yihiin ayaan ka imi iyaga oo meel istaagay u imi waanan la sheekaystay, intii aan la sheekaysanayey ayaa waxa rag badan galeen gaadhigaygii waxaana uu ka galay meel dhiiqaa, kadib markuu u bixi waayey ayey waxay qaateen sadex mobil mid weyn oo aan lahaa iyo mid yar iyo kii inanta aan jeclaa, iyo gaadhigii oo alaabta laga wada guray banaankana lagu daadiyeey, kadib waxa aan u imi ragiii oo meel yaacaya waxaanan ku idhi kuweyga qaata oo ka inanta isiiya kadib waa laysiiyey keedii, in yar kadib ayaan haddanna ragii ka dabatagay waxaana ay galeen meel iskuula, waan kaso noqday meeshii waxaan u imi gaadhigii gaadhi weyn lays leeyahay ku jiida, waan ka tagay haddana waxaan u tagay rag meel buur dusheeda ku taba baranaya waxaanan ku idhi dadaala mustaqbalka ayey idin anfacaysaa kadib waan toosay. Fadlan si degdega iigu soo jawaab adiga oo mahadsan.

Fasirka riyada hanti layska xoogayo
Fasirka riyada hanti layska xoogayo

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad dad isku dhici doontaan taasna waxaa sabab u noqonayso gabar aad taqaano, waxaad kala kulmi doontaa ragaas dhibaato iyo rafaad waa riyo digniin ah, dhabta Ilaaha ayaa og.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More