Riyada u galmoodka habar duq ah waa maxay

Su’aasha:

Waxan rabaa in lay fasiro qofka haduu riyo ku arko asoo u galmonaya naag duq ah oo waayeel ah iyada ayan ka dalbatay inuu u tago wuxuu ka fuulayaa horay iyo gadaal riyadas maxaa lagu fasiri karaa?

Riyada u galmoodka habar duq ah waa maxay
Riyada u galmoodka habar duq ah waa maxay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inay adag tahay xaaladda aad ku sugan tahay oo aad qarka u saaran tahay xumaan ceeb kuu soo jiidaysa, naagta duqda ah waa adduunyo laakin qaab xun ayay kuugu imaan doontaa, riyada waa digniin lagaaga digayo shahwada adduunka iyo jacaylka aad u qabto.

Riyada waxaa kaloo ay tilmaamaysaa inaad lugaha la gali doonto dhibaato sumcaddaada meel xun ku ridayso sidoo kale inay kula soo gudboonaanayaan arrimo noloshaada qasaya,
Guud ahaan naagta duqda ah riyo marka lagu arko waa adduunyo, laakin marka galmo lagu arko waa arrin foolxun, waayo guud ahaan ninka naftiisa ma siinayso naag duq ah inuu u galmoodo riyada inta badan waxay u noqonaysaa falka sida loo arko guud ahaan xagga dhaqanka.

Tusaale ahaan riyada galmada marka ay tahay mid lagu samaynayo naag qurux badan oo dhalinyar ah macne kale ayay yeelanaysaa, marka loo barbardhigo habar waayeel ah.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More