Xisaabta meel ay ku dhamaato majirto

Su’aasha:

Asc walaalaha Daruur

Dugsi Hoose ilaa Dugsi dhexe ilaa Dugsiga Sare ilaa aan Jaamacad ka Galo waxaan qaadanayaa maadada xisaabta hadaba Xisaabta sida cilmiga kale ma Soo xirantaa oo Hadii aan BHD ka qaato meel ay ku egtahay majirtaa Marka Laga tago qaacidooyinka cusub ee Xisaabta kusoo biiraya Taas oo anigaba aan awoodo inaan kusoo biiriyo hadana waxaan doonayaa Xisaabta mala Soo afjari karaa qaacidooyinkeeda Caanka ah mala wada baran karaa.

Xisaabta meel ay ku dhamaato majirto
Xisaabta meel ay ku dhamaato majirto

Jawaabta:

Xisaabta kaliya ma aha cilmi kaste wax baa kusoo kordho maxaayeelay aadanaha cilmiga oo dhan lama barin, inta laga baray way yar tahay, qof kaste dunida kusoo biiro Alle ayaa cilmi kale u furo oo cilmigii jiray ku darsamaya.

Alle (SW) wuxuu yiri asoo ka hadlaya aqoonta dadka la siiyay:

(وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الرُّوحِ ۖ قُلِ الرُّوحُ مِنْ أَمْرِ رَبِّي وَمَا أُوتِيتُم مِّنَ الْعِلْمِ إِلَّا قَلِيلًا)

(Waxay ku warsan Ruuxda, dheh ruuxdu waa Amarka Eebahay Cilmina wax yarbaa la idin siiyay).

Sidoo kale wuxuu tilmaamay qof kaste aqoon leh inuusan ahayn qofka ugu cilmi badan, wuxuu yiri Alle (SW):

 

(وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ عَلِيمٌ ‎)

(Mid kastoo cilmi lehna waxaa ka Sarreeya cilmi badane (Eebe))

Marka cilmiga ma istaago ilaa aad ka dhimato.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More