Talooyin aad ku guuleysan karto imtixaanka shahaadiga

Talooyin aad ku guuleysan karto imtixaanka shahaadiga

Su’aasha:

Sidee ugu guuleysan karaa imtixaanka shahaadiga
Asc, wll waxan ahay arday soomaaliyeed sanad Dugsiyeedkan u fadhiisan doona imtaxaanka shahaadiga ah, waxaa I hayo wel wel waxaan ubaahanahy inaad iseyso talooyin,waano, guubaabo iyo dhiirigelin, sido kale. Waxaan rabaa inaa ogaado hababka imtaxaanka ay uso diyaariyaan wasaaraha istaraatiijiga ay racaan macnaha qaabab su’aalaha ay u keento.
Wll isheeg website ama waxyaabaha iga caawinayaa in an ku guuleysto imtixaanka dowliga ah ..

Talooyin aad ku guuleysan karto imtixaanka shahaadiga
Talooyin aad ku guuleysan karto imtixaanka shahaadiga

Mahadsanid.

Jawaabta:

Qofka raba inuu imtaxaan darajada ugu sarreyso ka keeno waxaa shardi ah inuu ahaado qofka habaysan oo dadaal badan bixinaya oo ka fogaanaya wax kastoo waqtiga ka dhuminaya, qofka markuu sidaas yahay waxaa loo rajeynayaa inuu gaaro meel sare xagga natiijada imtaxaanka.

Teeda kale qofka ardayga waxaa laga rabaa inuu fahmo waxa uu baranayo hadduusan fahmin marka uu ka jawaabayo qalad ayuu gali karaa oo darajooyin badan uu ku waaynayo.

Guud ahaan talooyinkan raac:

1- duruusta aad qaadanayso xoogga saar

2- meel degan ku akhri

3- wax kale aan ahayn daraasada haku mashquulin

4- salaad subax kaddib xifdi wixii aad xifdin rabto.

5- ardayda aqoonta leh la akhriso waxyaalaha qaar aad u baahan tahay inaad xoogga saarto.

6- Macallinka waxa uu sharxayo si fiican u dhageyso.

7- ka fogow wax kaste oo maskaxda dhib u keenaya sida muuqaalada dumarka ama filimada xunxun.

Intaas oo dhan waxaa ka horreysa ducada ku dadaal inaad Alle weyddiisato inuu kuu fududeeyo tacliinta.

Teeda kale webyada internetka waa casharro guud ah, waxaa fiican buugga aad qaadato inaad xoogga saarto haddii aad rabo darajo sare inaad ka keento jaamacadda ama dugsiga.

Midda kale qaababka su’aalaha waxaad gadaal ugu noqonaysaa su’aalaha sanadaha lasoo dhaafay inta badan way is shabahaan marka su’aalahaas ayaad xallinaysaa adoo ka dhiganaya tababbar qaabka kama duwanaan karo su’aalaha cusub, markaas waxaad uga akhrinaysaa buuga si ku salaysan su’aalaha qaabka ay u degsan yihiin, teeda kale marka aad imtaxaan ku jirto naftaada ku kalsoonow adoo is dejinaya xalli su’aalaha, hana kasoo tagin iyadoon waqtiga dhamaanin waayo waxaad soo xusuusan kartaa, waqtigaaga dhameyso, fartaadana qurxi isku day inaad mastarad adeegsato oo aad u kala caddeyso marka aad ka jawaabayso su’aasha taas laftigeeda kaalin weyn ayay ka qaadataa inaad hesho darajo fiican.

 

Hababka ugu fudud wax loo xifdiyo

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More