Caanaha geela uurka dhibka ay u geystaan

The milk of camel for pregnant women

Su’aasha:

Waxaan rabaa inaan fahmo arin aan meel ka akhriyay oo ah in caanaha geela aysan u roonayn naagta xaamilada ah ama naagta uurka leh arinkaas maxaa ka jira iga jaahil bixiya.

Caanaha geela uurka dhibka ay u geystaan
Caanaha geela uurka dhibka ay u geystaan

Jawaabta:

Caanaha geela waa wax aad ugu fiican caafimaadka guud ahaan waxay xoojiyaan isdifaaca jirka, laakin waxaa la sheegaa dumarka uurka leh inay shuban ku ridaan marka ay iska badiyaan waxaa kaloo laga yaabaa caanaha geela aan la karkarinin inay qandho u keenaan waxaa kaloo ay keeni karaan inay uurka daahiyaan oo naagta ay dhaafto sagaalka bilood mudo usbuuc iyo wax ka badan.
marka waxaa haboon inay naagaha uurka leh aysan badsanin caanaha geela.

inkastoo aysan ahayn dhibkan mid aad u weyn haddana waxaa la rabaa in laga ilaaliyo haweeneyda uurka leh wixii khatar u keeni kara caafimaadkeeda.

caanaha geela soomaalida aad bay u cabbaan waxaa laga yaabaa dad badan inaysan dhib kala kulmin taas macnaheeda ma aha waxa laga sheegay caanaha inay yihiin wax sax ahayn.

geela wuxuu ka mid yahay xayawaanka aadka loogu cuno carriga soomaaliyeed dad badan siiba dadka ku nool baadiyaha aad bay u cunaan hilibkiisa. xataa waxaa la sheegaa inuu saameys ku leeyahay dhaqanka dadkaas oo aadka u cuna hilibka geela sidoo kalena caanahiisa cabba.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More