Waxan ku riyooday anoo eryanaya mas cad

Su’aasha:

Asc

Waxan ku riyooday anoo eryanaya mas cad meel qari ah oo dhagax badan oo isna iga baxsanaayo oo kolba meel iga galaayo ana aan wax la dhacayo oo aan dili Karla ahay marka aan wax ku dhufo is iraahdana hoosta iga soo galaya ana aan dib uga boodayo

Kadib wuxu ila galay meel laago ah wuuna iga baxsaday

Maxa lagu fasiri kara riyada noocaas ah.

Waxan ku riyooday anoo eryanaya mas cad
Waxan ku riyooday anoo eryanaya mas cad

Jawaabta:

Maska cad waxaa lagu fasiraa qof cadow ah oo dhib kuu geysan rabo oo sabab u noqon kara inaad ku dhacdo rafaad iyo naxdin iyo walwal, waliba cadow hal qof ah ma aha, riyada waa digniin lagaaga digayo qofkaas, sida muuqata aad buu kuu dhibi rabaa marka ugu dambeyso waa ku dhaafi doonaa asoon dhib weyn kuu geysanin, laakin waxaad kala kulmi doontaa murugo iyo cabsi iyo niyadjab.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More