Riyada dhalo qamro ah oo vimto isku badalaysa?

Su’aasha:

Asc sxb igu qaaliya waaku salaamayaa Webka Daruur.com inta kugula shaqeysa wlhi badanaa Webkaan anaa dad badan kusoo xiray waxaan sameeyaa mar walba ciwaanka webka ayaan ku faafiyaa baraha bulshada waxaana arkay dad badan oo webkaan aad u amaana oo la socdo anna aad baan ula shaqeeyaa Daruur.com, marka waxaan idiin leeyahay guuleysta.

Tan kale waxaan riyo ku arkay wax aan umaleeyey dhalo qamro ah la iikeenay ka dibna aan aad u dhibsanaayo oo xitaa dhibic ka mida iska ilaalinaayo oo karaahsanaayo markaasaa dhaladii Qamrada aan u maleynaayey dhulka ku kala bujiyey ka dib baan akhriyey in Vimto ay ku qorantahay oo wixii aan ka cararaayey ay vimto ahaayeen marka riyadaas maxaa lagu fasiraa?

Riyada dhalo qamro ah oo vimto isku badalaysa
Riyada dhalo qamro ah oo vimto isku badalaysa

Jawaabta:

Walaal waad ku mahadsan tahay sida aad ugu kalsoon tahay webka Daruur,  dad badan ayaa jira u baahan su’aalo marka  mowduucii aad akhriso share ku sameey oo aad aragto inay dadka ka faa’idaysan karaan.

Riyada waxay tilmaamaysaa in sir aad ogaan doonto, wax aad u malaynaysay inuu xun yahay ayaad ogaan doontaa inuu fican yahay, waxaasna wuxuu la xiriiraa hanti iyo maal aduun, dhalada marka hore khamro ayaad u malaynaysay marka ay jabtay ayaad ogaatay inay tahay Vimto, astaantaas ayaa tilmaamaysa inaad sir ogaan doonto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More