Waxaan Ku riyooday bulacyo dhintay oo la leeyahay nabiga (SCW) ayaa dilay

Su’aasha:

Asc walal waxaan Ku riyooday meel doog ah iyo geedo cagaran leh ee beer ama park oo kale ah dad ba jogay waxan arkay nin waraabinaayo beertaas waxaan arkay bulayo dhintay ee la ga jaray dhexda qeebta kore un baan arkaa iyo ayagoo dhintay waxaan weydiyaay ninka waraabinayay beerta yaa dilay bulacyadan waxuu igu yiri waxaa dilay nabi muxamad s,a,w ana wan iska amusay.

Waxaan Ku riyooday bulacyo dhintay oo la leeyahay nabiga (SCW) ayaa dilay
Waxaan Ku riyooday bulacyo dhintay oo la leeyahay nabiga (SCW) ayaa dilay

Jawaabta:

Riyada waa riyo cajiib ah waana riyo dhab ah maxaayeelay magaca nabiga (SCW) ayaa meesha lagu sheegay, riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka guulaysan doonto dad cadow ah oo kula rabay inay ku dhibaan laakin ma ku dhibi karaan waad ka adkaanaysaa inshaa Allaah, waliba dadkaas cadowga ah waa dad qaraabo ama saaxiibo aad tihiin.
Waxaad ku dadaashaa akhriska quraanka kariimka iyo xuska Alle (adkaarta) iyo saliga nabiga (SCW).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More