Tusaalaha tarjamada Carabiga iyo Soomaaliga

Qaabka loo tarjamo hadalka waa arrin u baahan aqoon dhinac walba.

Ereyga marka la tajumayo waa in aqoon oo leeyahay macnaha uu yahay iyo macnaha uu weerta kaga jiro.

Illeen ereyga wuu isbaddalaa mararka qaarkooda marka uu weer kale galo.

sidoo kale waxaa daruuri ah qofka inuu garanayo garaamarka iyo cilmiga balaaqada.

Tusaalaha tarjamada Carabiga iyo Soomaaliga
Tusaalaha tarjamada Carabiga iyo Soomaaliga

Waxaa kaloo la rabaa labada af uu ka kala tarjumayo inuu kala ogaado siday kala yihiin qaabka magaca iyo qaabka xarafka iyo falka.

Haddii uu yahay afka mid leh lab iyo dheddig oo falka galaya iyo hadduusan lahayn.

Tusaale ahaan afka ingiriiska falalka lab iyo dheddig ma laha laakin afka carabiga sidoo kale afka soomaaliga falka lab iyo dheddig ayuu leeyahay.

Barashada luqadda iyo tarjumada labo ayay kala yihiin.

Sidoo kale qaamuus inaad kaalmaysato way dhici kartaa si aad uga ogaato macneyaasha uu yeelan karo ereyga.

Qaamuus labo af leh sida Qaamuus Carabi iyo Soomaali ama Qaamuus Soomaali iyo English hadba luqadda aad rabto inaad baarto.

Qaamuuska aad buu kuu anfacaa marka aad wax tarjumayso sahal buu kaaga dhigayaa tarjmada sidoo kale hubaal ayaad yeelanaysaa naska aad tarjumayso.

Halkaan tusaale af carabi iyo af soomaali eeg:

برعاية السيد الأستاذ الدكتور محمد عثمان الخشت رئيس جامعة القاهرة وفي إطار جهود الدولة المصرية في مواجهة أزمة فيروس كورونا المستجد، وانطلاقا من الدور العلمي الرائد لجامعة القاهرة في التعاطي مع المشكلات والأزمات ودراسة كافة أبعادها وتقديم حلول إبداعية لها

يعلن مركز تعليم اللغات الإفريقية-كلية الدراسات الإفريقية العليا _ جامعة القاهرة

عن عقد ورشة عمل أون لاين تحت عنوان: (لغة الخطاب الإعلامي الإفريقي وتأثيرها في تشكيل الرأي العام وتعزيز الوعي الجمعي”جائحة كورونا أنموذجا”).

وتدور الورشة حول المحاور الآتية:

1- خصائص اللغة المستخدمة في وسائل الإعلام الإفريقية في التعاطي مع جائحة كورونا.

2- آثار وتداعيات لغة الخطاب الإعلامي الإفريقي في التعامل مع أزمة كورونا

3- تصحيح مسار لغة الإعلام الإفريقي في مواجهة جائحة كورونا

4- آراء الجمهور في اللغة المستعملة في وسائل الإعلام الإفريقية بخصوص فيروس كورونا. بين القبول والرفض.

يشارك في الورشة متخصصون وخبراء في اللغات الإفريقية والإعلام الإفريقي من مختلف الجامعات المصرية والإفريقية.

* تعقد الورشة يوم الثلاثاء الموافق 30 يونيو 2020 عبر تطبيق webex في تمام الساعة العاشرة صباحا.

عميد كلية الدراسات الإفريقية العليا

رئيس مجلس إدارة المركز

أ.د.محمد علي نوفل


Abaabulkii Prof. Dr. Maxamed Cismaan Al-Khisht, madaxa Jaamacadda Qaahira, iyo qaabka ay ku socdaan dadaallada dowladda Masar si ay ula dagaallanto dhibaatada fayraska Koroona ee cusub

iyadoo laga duulayo doorka cilmiga ku dhisan ee Jaamacadda Qaahira ee la tacaalida dhibaatooyinka iyo dhammaan qaababka in la daraaseeyo oona loo keeno xal fiican

Xarunta Barashada Afafka Afrika  oo raacsan – Kuliyadda Daraasaadka Afrika ee Sare  ,Jaamacadda Qaahira waxay soo bandhigaysaa:

in la qabanayo  aqoon-isweydaarsi khadka si toos loosoo marinayo cinwaankiisu yahay” Luqadda hadalka saxaafadeed ee Afrika iyo saamaynta ay ku leedahay qaabeynta ra’yiga dadweynaha iyo xoojinta wacyi-wadareed “Cudurka Karoona tusaale ahaan”

Aqoon isweydaarsiga wuxuu ku saabsan yahay arrimahan soo socda:

1- Waxyaalaha u gaar ah luqadda  lagu isticmaalayo warbaahinta afrikaanka xagga wax ka qabashada cudurka Koroona.

2-  Saamaynta iyo raadka ay ku yeelan karto luqadda hadalka saxaafadeed ee afrikaanka xagga ka hortagida dhibaatada koroona.

3-   In la saxo qaabka luqadda warbaahinta Afrika oo lagaga hortagyo cudurka koroona.

4- aragtiyada dadweynaha oo ku saabsan luuqadda loo adeegsado warbaahinta Afrikaanka ee la xiriirta fayraska karoona . Inta u dhaxaysa oggolaanshaha iyo diidmada.

Aqoon isweydaarsiga waxaa kasoo qaybgalaya khubaro  ku taqasusay luqadaha Afrika iyo warbaahinta Afrika oo ka kala socoda jaamacadaha kala duwan ee Masar iyo Afrika.

Aqoon isweydaarsiga waxaa la qabanayaa maalinta Talaadada, Juun 30, 2020, iyadoo la adeegsanayo Ablakeeshanka Webex, saacaddu markay tahay 10-ka subaxnimo.

Camiidka Kuliyadda Daraasaadka Afrika ee Sare

Guddoomiyaha Golaha maamulka Xarunta

Prof. Dr. Maxamed Cali Nofal

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More