Sheeko yaab leh dameer iyo waraabe oo arrin isku qabsaday

Libaax ayay garsoore ka dhigteen waa qiso yaab leh

Dameer iyo waraabe ayaa dooday waxay ku doodeen midabka cowska, waa sheeko gaaban yaab badan leh.
Dameerka wuxuu yiri: midka cowska waa jaalle.
Waraabaha wuxuu yiri: maya waa cagaar.
aad ayay u doodeen wayna is fahmi waayeen.
waxay u tageen boqorka duurka oo aha libaax.
mid kaste wuxuu libaaxa u bandhigay hadlka uu dhahay.
Libaaxa markuu dhegeystay dameerka iyo waraabaha xukun ayuu soo saaray.

Sheeko yaab leh dameer iyo waraabe oo arrin isku qabsaday
Sheeko yaab leh dameer iyo waraabe oo arrin isku qabsaday

muxuu ahaa xukunka?
Waraabaha wuxuu ku xukumay bil in xiro dameerkana wuxuu ku xukumay inuusan wax dembi lahayn.
Waraabaha ayaa ka xanaaqay xukunka libaaxa wuxuu ku yiri cadaalad ma aha xukunkan.
waraabaha wuxuu libaaxa ku yiri: sow ma aha midabka cowka cagaar?
libaaxa wuxuu yiri: haa waa cagaar waad ku saxsan tahay, laakin adiga waad qaldantay maxayeelay dameer ayaad la doodday.
sidaas awgeed ayaan kugu xumumay in hal bil lagu xiro si mar dambe aadan ula doodin dameer.

waa sheeko khayaali ah oo murti xambaarsan.
marka murtida waxaa weeye qof aan dood istaahilin haddaad la dooddo adiga ayaa ka gardarran.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More