Gacmaha wajiga in la marsado marka la ducaysanayo

Su’aasha:

Wll qofku marka uu ducaysanayo ee uu ducada dhamaysto labada gacmood inuu wajigiisa ku masaxaa ma arrin soo aroortay oo waarid ahbaa mise waa la iska caadaystay.

Gacmaha wajiga in la marsado marka la ducaysanayo
Gacmaha wajiga in la marsado marka la ducaysanayo

Jawaabta:

Qofka marka uu ducaysanayo inuu gacantiisa wejiga mariyo ama ku masaxo culimada way isku khilaafeen qaar waxay qabaan inay baan tahay waxay daliilsadeen axaadiis kusoo aroortay axaadiista waa kuwan:

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: “كان النبي صلى الله عليه وسلم إذا رفع يديه في الدعاء لا يحطهما حتى يمسح بهما وجهه”. 

waxaa laga wariyay Cumar bin Akhadaab (RC) inuu yiri: nabiga (SCW) wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa waqtiga ducada ma dejin jirin ilaa uu wajigiisa mariyo)

Tirmithi ayaa wariyay

عن ابن عباس: “فإذا فرغت فامسح بهما وجهك”

Ibnu Cabbaas waxaa laga wariyay : haddii aad dhammayso (ducada) wajigaaga marso)

Waxaa wariyay Abuu Daawuud iyo Ibnu Maajah

Marka ibnu Xajar wuxuu yiri axaadiista waa xasan waa is xoojinayaan, wuxuuna u arkay in gacanta la mariyo wejiga ay bannaan tahay oo ay mustaxab tahay, laakin culimo kale Ibnu Taymiya uu ka mid yahay waxay u arkaan axaadiistan inay daciif tahay oo marka aysan bannaanayn gacmaha in la mariyo wejiga qofka marka uu ducaysanayo.
Laakin sida xoogga badan waa inay bannaan tahay qofkii rabo ha marsado qofkii rabo ha iska daayo, wax dhib ma laha, mana aha arrimahaas oo kale in laga dhigo wax laysku dagaalo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More