Riyada nuurka dhulka ilaa cirka xidhiidhsan

Su’aasha:

Asc waad mahadsan tihiid gud ahan webka gaar ahan culimada sida sharafta badan ee cilmiga waynle kor ilaahay ha idiin qaado
Allah macak
Waxan ku riyooday anoo xalay hurda ayaan waxaan arkay meel aan joogay oo banaan ahayd doognale ayaan waxan arkay iftiin meel xogaa iijirta ka baxayoo ilaa cirka xidhiidhsan oo moodo toosh wayn waan ku cararay cararay walow uu sii naaqusayay hadana waan gaadhay waan dhex fadhiistay oo wuu isoo raacay iftiinkii hadaan habeen kii la gaadhaba wajigayga iyo jidhkayguba waxaa iftiinkooda laga soo arkayay meel aad u dheer oo fog iftiinka wajiga marmar waa wajiga marmarnawaa jidhkoo dhan
Allah mahadle

Riyada nuurka dhulka ilaa cirka xidhiidhsan
Riyada nuurka dhulka ilaa cirka xidhiidhsan

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa in wax kaste ay kuu hagaagayaan iyo inaadan ka habaabaynin wixii u fiican noloshaada, riyada iftiinka waa riyo khayr iyo bishaaro xambaarsan, hanuun ayay tilmaamaysaa iyo towfiiq adduun iyo aakhiro.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More