Riyada nin aad u weyn muuqaal ahaan

Riyada:

Asc walalahey ga page kan gacan ta ku haya waxan raba riyadan in la I fasiro hada 2 saac ka hor ayan salad fajr tukaday inta ay sacada/alarm iga kicin waxan riyo ku arkay nin aad & aad u xajmi/ muuqal weyn. oo ku jira markab aad weyn oo kor ku leh barkad ama swimming pool lagu dabaasho oo bada dusheeda saaran markii hore dad normal aya ku jiray oo ku dabaalanayey lakiin halmar aya ninkaas muuqal ka weyn kasoo dulbaxay dadka dhxdooda Wadankas na wuxu ahaa turki Aniga iyo hoyo markabkaas ma saarneyd kor ayan ka daawanaynay hoyo oo riyada ku arkayey ayan u qeyliyey oo ku dhahay hooyo kasoo fagoow biyahiisa yey ku qaadinee ninkaas muuqal ayaan baniaadan ayuu u ekaa wuu qoslayey aad ayan uga argagaxay muuqaal kiisa weyn madaxa timo kuma laheyn markuu biyaha ku jiray madaxa mesha kore wax cad o u eg shampo aya ka cadaa kadib wuu kaso baxay biyaha Dadka meesha buuxay wax naxsan uma ekeeyn oo dad aduunkooda raacanayo Ayey wada ahaayeen ninkaas markuu biyaha banan kisa usoo baxay muuqal kii weynaa wuu is badalay o normal size ayuu kusoo noqday. Oo Kadib dadka ayuu dhexgalay anigana alarm ka salaada subax aya I kiciyey oo hurdadii wan kasoo booday please riyada ii fasira
Allaha idiin barakeeyo oo idinka xafido sharta aamin.

Riyada nin aad u weyn muuqaal ahaan
Riyada nin aad u weyn muuqaal ahaan

Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa inay kula soo gudboonaanayso arrin aad u weyn oo mustaqbalkaaga ku saabsan oo cabsi kugu abuuri doonto, arrintaas waxay xiriir la leedahay nin, waliba arrintaas waxaa laga yaabaa inay kugu abuurto fikir iyo walwal laakin waqti yar kaddib caadi ayay iska noqonaysaa, waxaana dhici karto inay halis noqoto haddii aadan iska ilaalinin khatarta ka imaan karto, biyahaas iyo ninkaas weyn oo isla socda ayaana laga fahmayaa fasirkan, guud ahaan riyada waxaa la dhihi karaa waxaa lagaaga digayaa waxyaalaha qaar oo noloshaada qasi karo.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More