Riyada kaluunka oo banaanka usoo baxayo

Su’aasha:

Asc waxaan ku riyooday aniga iyo iyo dhalinyaro aan asxaab nahay oo Badda Gudaha u galay moolka joogna in libaax badeed nasoo weeraray Waliba aniga ayuu isoo aaday waan iska celiyey waana kasoo cararnay Anagoo Gudaha Bada ku jirno ayaa Si deg deg Dibada u imanay waxaan aragnay kaluunkii Ina bursanayey iyo kuwo kale oo banaanka usoo bod booday Sida in Bada ay deeqi la dahay oo kale hadana waxaan arkay Hooyaday iyo walaashay oo aan doon wada raacnay oo aan Tahriibeyno Halkii aan u tahriibeynay ayaa noo muuqata waxaan leeyahay wataa mesha aan u socono lkn waxaan ku leexaneynaa meel jasiirad oo kale ah oo aan waxka qaadan rabno doonta aan safarka kusoo galnay waxaa Nala saaran bisad Marka Jasiiradii ay doonto ku xiratay Bisadii inay baxdo ayey isku dayday hadana biyaha ayey ka cabsaneysaa hooyaday bisada Soo qabo ayey ileedahay ana waxaan leeyahay bad waaye ma bixi karto iyadaa Soo noqoneyso markii dambe Bisadii in Bada ay ku dhacday oo kale ayey ila noqotay.

Riyada kaluunka oo banaanka usoo baxayo
Riyada kaluunka oo banaanka usoo baxayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad nolol fiican heli doonto laakin waxaa ka horreeya mashaakil iyo rafaad laakin marka ugu dambaysa waad guulaysanaysaa, kaluunka kusoo weeraraya waa dhibka sidoo kale rafaadka badda laakin kaluunka oo banaanka yimid waa khayr, bisadda hadda waxay tilmaamaysaa nasiib xumo laakin marka ugu dambaysa waad ka badbaadaysaa dhibka ku qabsan doono.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More