Riyada anigoo galaayo saf dheer oo la fafadhiyo oo lacag aan badnayn lagu qaybinayo ka dibna aan helaayo

Su’aasha:

Asc walaal seetahay waxaan ku riyooday Saakay arimo badan mar waxaan riyo ku arkay anigoo qurux badan oo murqaani cml u ekaaday marna waxaan ku riyooday xaafadeena oo laga mowliidsanaayo ka dibna dad badan imaanayaan lagana dikrinaayo markaasa saf la galay anigana qayb ayaan ka noqday waxaana la qaybinaaye lacag 50kun oo shiling Soomaali ah oo u dhiganta $2dollar USD markaasa hadana saf labaad aan galnay waxaa nalagu yiri waxaan soo gaba gabayneynaa siyaarada xuska mowliidka marka qofkii joogaayo ha joogo qofkii dikriga ka qayb galaayana haka qayb galo marka riyada dhexdeeda waxaan ku dareemaayey farxad badan marka maxaa lagu fasiri karaa riyada aniguna maahi dadka aamisan siyaarada iyo xusaska inay diin tahay.

Riyada anigoo galaayo saf dheer oo la fafadhiyo oo lacag aan badnayn lagu qaybinayo ka dibna aan helaayo
Riyada anigoo galaayo saf dheer oo la fafadhiyo oo lacag aan badnayn lagu qaybinayo ka dibna aan helaayo

Jawaabta:

Waan kaa qaaday walaal, riyada waxay tilmaamaysaa inaad wax heli doonto waxaa laga yaabaa inaad ganacsi ama wax kale oo lacag laga heli karo aad wax ka helayso, ama shaqo ama dad aad wax la wadaagayso shirkad iwm.

Guud ahaan riyada waa riyo fiican oo khayr xambaarsan iyo farxad.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More