Riyada aadidda kaluumeysiga iyo gabar madax-qaawan

Su’aasha:

Asc xili duhur ah aniga oo jiifa masjid ayaa waxaan ku riyooday aniga iyo wiil aan saaxiibo nahay oo Badda joogno waxaan u soconaa kuluumeysi aniga wax badan kama aqaan waxaan leeyahay gormaa la baxayaa isagana Wuxuu ileeyahay waxyar sug Gabalka ha dhacee waala baxaa Kadib waxaa meel buur ah kasoo dageysa gabar cad oo carab ah madax qaawan jirkeedana qeybo badan kamid ah qaawan yahay sida dumarka Westernka u labisan falaarna ku hubeysan
Waan ku mashquuleynaa jirkeeda hadana hubka ay wadato ayaan ka cabsaneysaa kadib Waxaan arkeynaa Gabdho iyagana cad cad oo qurux badan lkn madaxooda Mara yaroo Madow usaaran tahay oo gacmaha Ina qabsanayo anagana aan socono aan ignore gareyneeno horteena aan fiirineyno sida dad Cabsi ku jirto iyagana naga daba guur guuranayaa oo gacmaha na qabsanayaan

Isla maalintaas aan sidaa ku riyooday bada ayaan aadnay waana ku balansaneyn inana aadno Riyada halkaa ma inooga furmeysaa mise Fasir kale ayey leedahay.

Riyada aadidda kaluumeysiga iyo gabar madax-qaawan
Riyada aadidda kaluumeysiga iyo gabar madax-qaawan

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gali rabto aduun raadis iyo shaqo sahlan gabdhahaas waxay astaan u yihiin nolol aduun oo kuu soo birbirqayso, aadidda kaluumaysigana waa shaqada aad raadin doonto, guud ahaan riyada waxay tilmaamaysaa hamiga kugu jiro oo ah raadinta mustaqbalka safar ama shaqo inaad qalbiga ku hayso, cabsina way kugu jirtaa inay arrimahaas kuu hirgaliwaayaan, marka ugu dambayso furado badan ayaad helaysaa inshaa Allaah iyo mustaqbal fiican.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More