Dadka afka gaaban sidey bulshada u dhex gali karaan

Su’aasha:

Wiil waxa Jira sxbkey ah oo aad u afgaban lakin marki har ruux ama laba ruux ula joogo kasatan markan aniga uila joogo hadal badan lakin marki dad badan imadan amuuso oo hadal aan kudarsan iska dhageysto social anxiety ayuu qaba inta badan wala niyad jabiya maskin Aya tahay xaqada madacsan kartid xata macaliminta qar Aya niyada kadilo Malin kadewto Aya imtixaan qadanaynay marka macalin Aya wuxu nawaydiyay wali manoqoten class leaders ama assistant marka cunugba Mel ayuu shegay aniga class prefect Aya aha aniga assistant Aya aha aniga head boy Ayan aha asagi wuxuu aniga waligay noqon macalinki kuyee adiga manoqon kartid sababto ah you’re so quiet and cool dadka siday ayay kayelanaya ardaydi Aya kuqooslay aad ayuu isku badalay hada wilkas class natijada ugu sareeyso ayuu kena lakin dhanka hadalka ayuu kaliita marka
Dadka qofka amusan maxay doqon ama ruux wax kaqaldanyihiin ugu heysatan xita adigo lajoogo ayay cayaan oo ay kasoqadan inu wajiraba aheyn marka masaxba dadka dadka amuusan wax miya kaqaldan maxayse uguuleysan

Dadka afka gaaban sidey bulshada u dhex gali karaan
Dadka afka gaaban sidey bulshada u dhex gali karaan

Jawaabta:

Bulshada markay jahli ku jirto ayay sidaas u dhaqantaa, qofka lagama rabo qof kale inuu ku jeesjeeso, wiilka aad sheegtay wuxuu u baahan yahay taageero iyo kalsooni, niyadda haddii loo dhiso wuu isbadalaa, aamusnaanta ceeb ma aha guud ahaan, qofka wuu is bari karaa inuu bulshada dhex galo wax dhib ma laha, marka adiga isku day inaad niyadda u dhisto oo aad taageerto, qofka inta badan cabsida dadka ayaa ku abuura, marka la caayo oo lagu jeesjeeso cabsi iyo yaxyax ayuu dareemayaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More