Qof riyo ku arkay asoo laga dalbanayo qof kale inuu dhiig u shubo

Su’aasha:

Walal nin sxbky ah ayaa todobaad kahor dhiig shubay wuxuu ka qayb qaatay campaign dhiig lagu sadaqaysanayay, laba habeen ka hor ayuu riyooday waxayna ahayd riyadu in looyimiday oo lagu yidhi dhiig iska shub qof ubaahan ayaa jiree isagna wuxuu ku jawaabay maalin dhawayd ayuunbaan dhiig shubay marka wali lama gaadhin wakhti aan dhiig kale shubo! Kadib waxaa loogu jawaaabay waxba noqon mayside shub! Riyadaa markuuu ilawadaagay waxan umaleeyay inay tahay “xadiithu nafs” lkn waxba ugumaan fasirin. Idinka ayaan idiin dhaafay maaadama aad aqoonteedii leedahay wll.

Qof riyo ku arkay asoo laga dalbanayo qof kale inuu dhiig u shubo
Qof riyo ku arkay asoo laga dalbanayo qof kale inuu dhiig u shubo

Jawaabta:

Riyada waa sida aad ku fasirtay, teeda kale qofka hadii riyo wax loogu sheego ma aha inuu qaato waxaas haddii uu yahay wax caqliga iyo waaqaca khilaafsan, ama diinta kasoo horjeeda, tusaale ahaan, qof hadduu riyo ku arko asoo la dhahaayo hebel sidaas ku sameey ama waxaas ayaa waajib kugu ah ee la imow, maxaayeelay riyada marka sidaas ay noqoto waxay u badan tahay inuu shaydaan ka dambeeyo, shaydaanka markuu rabo inuu dadka ku dhex faafiyo khuraafaad riyo ayuu kasoo galaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More