Boobka iyo xatooyada islaamka muxuu ka qabaa

Boobka wuxuu ka mid yahay fasahaadinta dhulka, diinta islaamka aad ayay uga digtay qofka muslinka inuu boobo hantida dadka, boobka iyo dhaca waxay ka mid yihiin dambiyada waaweyn oo naarta lagu mutaysto,  boobka waxaa soo galaya xatooyada iyo qishka iyo khiyaanada dadka siiba marka la rabo in hantida laga dhaco.

Boobka iyo xatooyada islaamka muxuu ka qabaa
Boobka iyo xatooyada islaamka muxuu ka qabaa

wuxuu yiri Alle:

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلَّا أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ}

(Kuwa (xaqa) rumeeyow ha cunina xoolihiina dhexdiinna si baadil ah inuu ganacsi aad raalli isaga tihiin yahay mooyee), wuxuu yiri  Alle:

{وَلَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ وَتُدْلُوا بِهَا إِلَى الْحُكَّامِ لِتَأْكُلُوا فَرِيقًا مِنْ أَمْوَالِ النَّاسِ بِالْإِثْمِ وَأَنْتُمْ تَعْلَمُونَ}

(Hana ku cunina xoolihiinna dhexdiinna si baadil ah idinkoo u dhiibi (laaluush) xukaamta si aad ugu cuntaan qayb ka mid ah xoolaha dadka dambi idinkoo og)

shareecada islaamka waxay xarrimtay xatooyada waxayna u dejisay ciqaab adag, wuxuu leeyahay Alle –caza wajalla -:

{وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُوا أَيْدِيَهُمَا جَزَاءً بِمَا كَسَبَا نَكَالًا مِنَ اللَّهِ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ}

 (Tuugga iyo tuugadda gooya gacmahooda abaalmarin waxay kasbadeen darteed waana xanuujin xagga Alle ka ahaatay Ilaahayna waa adkaade falsan),

wuxuu leeyahay nabigeena – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(مَنْ ظَلَمَ قِيدَ شِبْرٍ مِنَ الأَرْضِ طُوِّقَهُ اللّه إيَّاه يَوْم القِيامَةِ مِنْ سَبْعِ أَرَضِينَ)

(Qofka dulmiyo taako in la eg dhul ah, wuxuu Alle luqunta u galinayaa  maalinta Qiyaame toddoba dhul).

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More