In ehelka qaarkood isku dhacaan sixir mala dhihi karaa

Su’aasha:

Asc sxb waaku salaamay war nio waayaabanahay laba habeen isku xig xigta baa qaar ka mida ehelkeyga isku dhacnay xaley habar yartay oo hooyadey la saaxiibo ah baan hadal markaas ani caadi ila ahaa dhahay ka dibna waxaan arkay habar yartey oo ka carootay hadalkii aan dhahay lkn taas anaaba garteeda qaatay oo waanka raali galiyey balse hadana caawa aabahayga baa si caadi ah ii maagay anoo wax aan ka haleeyey aysan jirin igu qayliyey marka anaa isku laabtay waxaan is dhahay Aabaha waligiin iskumeydaan dhicin habar yartaana iskuma aanad dhicine xaaladan maxay tahay hadana aniga markaan is qiimeeyey waxaan ogaaday inaan wax qalad lahayn marka arintaas maxaa lagu sababeynkaraa sixir mala dhihi karaa oo dadka igu diraayo.

In ehelka qaarkood isku dhacaan sixir mala dhihi karaa
In ehelka qaarkood isku dhacaan sixir mala dhihi karaa

Jawaabta:

Walaal waan kaa qaaday salaanta,  xaaladahan noocan oo kale ah lama filaanka ah waa laga yaabaa in il ama sixir ay ka dhasheen, laakin sixirka iyo isha farqi ayaa u dhexeeya, sixirka waa wax loo sameeyo si ulakac ah, waa inuu jiraa qof cadow ah oo dan ugu jirto inaad isku dhacdaan adiga iyo aabbahaaga ama adiga iyo habaryartaada, isagaa sameeya ama wuxuu u tagaa qof saaxir ah.

Laakin isha waxay ka imaan kartaa qof arkay xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo ehelkaaga marka sidaas kugu ilaystay, marka ku dadaal quraanka iyo adkaarta.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More