Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa

Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa

Su’aasha:

A S C, su’aashan qabo waxa weeyan, somalida rag iyo dumar ba in’tooda badan waxay dhaqan ahaan ka aaminsan yihin gabadhu hadii ay ninkeega galmo ka dalbato iyo qaababka galmada iyo wixi lamid ah gabadhaas galmada iney horey u kasi jirtay o ay dhaqanka dhilooyinka inu yahay aya loo qaata marka su’aasheyda ninka xaaskisu hadii ay ka xishooneyso ama ka cabsanayso ninkeeda iney u sheegato rabitaankeda ku saabsana xaga galmada iyo raaxaday ninkeeda uga baahan tahay, lkn may jirta ninka calaamad ahaan u kaga ogaan karo naagtisu in ay ka helayso galmo & raaxo mcn iyaba geedkiisa iney ku qanacsan tahay mahad sanid.

Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa
Ninka xaaskiisu inay ku qanacsan tahay sidee buu ku ogaan karaa

Jawaabta:

Dumarka xagga dareenka way ku kala duwan yihiin, haddii ay tahay gabadha qof iska dansan maba qiimayso arrimahaas, waxaa laga yaabaa inay fiiriso waxyaalaha kale ay ka helayso ninkeeda, sida amaanta daryeelka deeqsinimada.

Haddii ay tahay gabadha qof dareenkeedu sarreeyo markaas haddii ay ninkeeda ku qanacsan tahay dhaqankeeda ayaa laga fahmayaa.

Haddii ay ku qanacday howsha sariirta, guriga iyo ninkeeda daryeel weyn ayay siinaysaa, farxad ayay dareemaysaa, haddii aysan ku qanacsanayn eed iyo caajis kama baxayso, haddii ay tahay naag aan akhlaaq lahayn waxay bilaabaysaa rag kale inay la sheekaysato oo ay xiriir la samayso, naagna wax ka sir badan lama arko maahmaah ayaa oranaysa:

(إذا أخفق الشّيطان في التسرّب إلى مكان أوفد امرأة). 

(Shaydaanka hadduu ku fashilmo inuu meel u duso naag buu dirsadaa)

Haddii ay tahay qof wanaagsan oo dhowrsan way iska sambraysaa, laakin xanaaq iyo neerfoos ayaa laga dareemayaa, waxaa kaloo saameeya dumarka naagaha kale, haddii haweeney kale ay u faanto waxaa laga yaabaa wixii ay haysatay inay yasto oo ay niyadjab ka qaaddo, tusaale ahaan naag kale hadday ku tiraahdo ninkayga sedex jeer buu galaa gogosha halkii habeen iyadana ninkeeda hal biyaajo uu galayo  waxaa laga yaabaa inay taas dhibsato oo ay ninkeeda niyadjab ka qaaddo, horay baa loo yiri:

(المرأة لا تحزن على قلّة ما عندها، بل على كثرة ما عند غيرها).

(Haweenyda kama murugto waxa ay haysato yaraantiisa ee waxay ka murugtaa wixii qof kale uu haysto badnaantiisa)

Sidaa awgeed diinta islaamka waxay reebtay haweenka inay isugu faanaan raggooda waxa ay ka helaan waxaa kusoo arooray arrintaas xadiis saxiix ah, waliba markay beenta tahay ayay kasii daran tahay:

 

(أنَّ امرأةً جاءَتِ النَّبيَّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ، فقالت: يا رَسولَ اللهِ، إنَّ لي زَوجًا، ولي ضَرَّةٌ، وإنِّي أتشَبَّعُ مِن زَوجي، أقولُ: أعطاني كذا، وكساني كذا، وهو كَذِبٌ؟ فقال رَسولُ اللهِ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ: المُتَشبِّعُ بما لم يُعطَ، كَلابِسِ ثَوبَيْ زُورٍ).

 

(Haweeney ayaa u timid nabiga (SCW) waxay tiri: rasuulkii Allow nin ayaan leeyahay iyo oori (naag layla qabo) waxan dhereg ka sheegaa ninkayga waxaan dhahaa: waxaan buu i siiyay, waxaan buu ii labisay, waana been, wuxuu yiri rasuulka (SCW) : qofkii iska dherjiyo wax aan la siinin wuxuu la mid yahay qof xiran labo maro been ah) 

Bukhaari

Xadiiska wuxuu tilmaamayaa hadalka inuu wax badan ku dheelo oo uu guri dumin karo oo uu dadka isku diri karo.

 

Ninkayga erayo aan dhibsado ayuu igu dhahaa ila taliya

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More