Ninka aan guur soo marin gabar bikro iyo garoob tee u fiican

Ninka aan guur soo marin gabar bikro iyo garoob tee u fiican

Su’aasha:

Wali maanan guursan waxaan ahay doob qof dumarana maanan isu tagin xalaal iyo xaaraan midna, marka aan qofkaasoo kale ahay, ma waxaa ii wanaagsan inaan guursado gabar anigoo kale ah, yacnii mid aan wali guur iyo nin soomarin oo bikro ah, mise waxaa ii wanaagsan mid carmal oo rag soomartay guurna soo aragtay, bal aragtidaas igu caawiya walaal.

Ninka aan guur soo marin gabar bikro iyo garoob tee u fiican
Ninka aan guur soo marin gabar bikro iyo garoob tee u fiican

Jawaabta:

Markaad ku cusub tahay guurka oo aad tahay qof aan waligiisa guur soo marin, shaki kama taagna inay kuu fiican tahay inaad guursato gabar bikro ah oo waligeeda nin aan soo marin.

Waayo naagta marka ay nin soo marto waxaa laga yaabaa kii hore inay soo xusuusato oo mar kaste ay ka sheekayso.

Markay ugu yar tahay xiliga xanaaqa ayay ninkaas amaanaysaa, taas waxay dhalin kartaa masayr iyo dagaal.

Marka waxaa kuu fiican inaad guursato gabar bigro ah ee iska daa garoob.

Xadiis ayaa soo arooray uu wariyay Bukhaari sidoo kale culimo kale kaas oo ah saxaabigii weynaa Jaabir bin Cabullaahi (RC) markuu guursaday garoob:

(….قُلتُ: يا رَسولَ اللَّهِ، إنِّي حَديثُ عَهْدٍ بعُرْسٍ، قَالَ: أتَزَوَّجْتَ؟ قُلتُ: نَعَمْ، قَالَ: أبِكْرًا أمْ ثَيِّبًا؟ قَالَ: قُلتُ: بَلْ ثَيِّبًا، قَالَ: فَهَلَّا بكْرًا تُلَاعِبُهَا وتُلَاعِبُكَ قَالَ: فَلَمَّا قَدِمْنَا ذَهَبْنَا لِنَدْخُلَ، فَقَالَ: أمْهِلُوا، حتَّى تَدْخُلُوا لَيْلًا – أيْ عِشَاءً – لِكَيْ تَمْتَشِطَ الشَّعِثَةُ، وتَسْتَحِدَّ المُغِيبَةُ)

(… waxaa iri: rasuulkii Allow waxaan ahay qof dhowaan guursaday, wuxuu yiri: miyaad guursatay? waxaan iri: haa, wuxuu yiri: ma gabar baa mise waa garoob? wuxuu yiri: waxaan iri: garoob, wuxuu yiri: maxaad u guursan waysay gabar bikro ah oo aad la ciyaarayso iyadana kula ciyaarayso, wuxuu yiri: markaan tagnay (Madiina) saan u galno guryaheena: u kaadiya ilaa habeenkii laga gaarayo – yacnii cishaha – si ay u shanlaysato midda timaha ka kala yaacsan tan laga maqan yahayn timaha hoose isaga xiirto ). rd

 

Xadiiskan waxaa laga fahmayaa guurka bigrada inuu ka fiican yahay tan gabroobta.

Laakin Jaabir Aabbihiisa wuxuu ka dhintay 9 gabdho wuxuu diiday inuu keeno gabar yar wuxuu u keenay walaalihiisa naag weyn oo ay ka heli karaan daryeel.

 

Gabar bikro iyo garoob waayoarag ah farqiga u dhexeeyo

فسأَلَه النَّبيُّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ: هل تزوَّجْتَ بِكْرًا، وهي الَّتي لم تَتزوَّجْ مِن قَبلُ، أمْ ثَيِّبًا -وهي الَّتي سَبَقَ لها الزَّواجُ-؟ فأخبَرَه جابرٌ رَضيَ اللهُ عنه أنَّه تزوَّجَ امرأةً قدْ تزوَّجَتْ مِن قبلُ، وليستْ بِكرًا، فقال له النَّبيُّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ: «هلَّا جاريةً»، والمرادُ بها البِكرُ، يُرغِّبُه النَّبيُّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّمَ في زَواجِ الأبْكارِ، «تُلاعِبُها وتُلاعِبُكَ»، أي: تَلعَبُ معَها، وتَلعَبُ معَكَ، وتُلاطِفُها وتُلاطِفكَ؛ فإنَّ الثَّيِّبَ قدْ تكونُ مُتعلِّقةَ القَلْبِ بزَوجِها الأوَّلِ، بخِلافِ الصَّغيرةِ الَّتي لم يَسبِقْ لها الزَّواجُ؛ فإنَّ قَلْبَها غالبًا ما يَتعلَّقُ بأوَّلِ زَوْجٍ لها، فتَنشَطُ له وتَسْعى في سَعادتِه، وغيرُ ذلك مِنَ المواصَفاتِ الَّتي تُعرَفُ بها البِكْرُ، وتَتَقدَّمُ بها على الثَّيِّبِ،   الدرر
قال ابن عاشور رحمه الله :
” الْبِكْرُ أَشَدُّ حَيَاءً وَأَكْثَرَ غِرَارَةً وَدَلَّا ، وَفِي ذَلِكَ مَجْلَبَةٌ لِلنَّفْسِ، وَالْبِكْرُ لَا تَعْرِفُ رَجُلًا قَبْلَ زَوْجِهَا ، فَفِي نُفُوسِ الرِّجَالِ خَلْقٌ مِنَ التَّنَافُسِ فِي الْمَرْأَةِ الَّتِي لَمْ يَسْبِقْ إِلَيْهَا غَيْرُهُمْ ” انتهى من “التحرير والتنوير” (28/ 362) .

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More