Gabar anoo raadinayo garoob kaliya ayaan la kulmaa

Su’aasha:

Asc wll mcn waxaan ku waydiinayaa waxaan ib tilo ku qabaa dumarka nio mar kasta aan xiriir sameeyo waxaan la kulmaa garoob oo kliya ama kuwa ilma haysta ama kuwa aanan haysan aniga markaan u gaado sheekadaas niyad jab ayaa ka qaadaa waxaana iiga sii daran labo aan xiriir la sameeyey way iga tagayn oo garoob ah hadana midoo aan la sheekeestaa gadaal ayaan ka ogaaday inay tahay garoob ayadana maxaan ku sameeya?

Gabar anoo raadinayo garoob kaliya ayaan la kulmaa
Gabar anoo raadinayo garoob kaliya ayaan la kulmaa

Jawaabta:

Niyadda ha iska dilin gabar dunida way buuxdaa, markaad guur diyaar u noqoto gabar fiican raadso, waxaas waxba haka soo qaadin, haddii garoob kaliya aad la kulmayso taas macnaheeda ma aha inaadan gabar heli karin sidoo kale inaad niyadda ka jabto, sheekada kasoo qaad adoo wax raadsaday oo waayay, mar kale haddaad raadsato waad helaysaa.

Teeda kale garoobta hadda aad baratay haddii ay fiican tahay waad guursan kartaa, maxaayeelay waxaa la heli karaa  garoob ka fiican kun gabar.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More