Wararka sheegaya xiriirka Soomaali iyo Israel dhexmari raba

Warar aan wali si fiican u caddayn ayaa wareegaya baraha bulshada, waxay sheegayaan in soomaali ay xiriir siyaasadeed la yeelan doonto Yahuudda, waxay leyihiin wararkaas waxaa la bilaabay sheekadaas markii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa laakin ma aysan muuqanin, waxaa la sheegayaa haddana waxaa laga yaabaa inuu arrintaas dhammaystiro madaxweynaha ku guulaystay xilka madaxweynenimada 15 May 2022 Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka sheegaya xiriirka Soomaali iyo Israel dhexmari raba
Wararka sheegaya xiriirka Soomaali iyo Israel dhexmari raba

Wararkan haddii ay sax noqdaan waxay noqonaysaa soomaali dowlad carabta qaar ay hoggaminayaan sidoo kale waxaa meesha ka caddaanayso in Imaaraadka iyo Qadar ay soomaali kubbad ku cayaarayaan marba qof loo dhiibayo, dowladda imaaraadka xiriirka Israel ay la leedahay ma qarsoona, laakin dowladda Qatar wuu qarsoon yahay, hoos hoos ayay saaxib ula tahay yahuudda laakin waxay muujinaysaa inay lid ku tahay.

Xilligii Farmaajo madaxweyne ka ahaa somaaliya Qatar ayaa soomaali hogaaminaysay, haddana isteerinka Imaaraadka ayaa la wareegay.

Haddii soomaali ay xiriir la yeelato yahuudda labada dowlad ayaa sabab u ah, haddii ay soomaali ahaan lahayd dowlad maslaxaddeeda garanayso oo aan u baahnayn dowlado inay kaalmo siiyaan go’aankeeda iyadaa lahaan lahayd. Qaar ka mid ah dadka soomaalida waxay leeyihiin adduunka maslaxad buu ku dhisan yahay daowlado badan ayaa yahuudda xiriir la leh sida Masar Sudan Jordan Marocco UAE iyo Baxrayn Sacuudigana jidka ayay kusoo jirtaa, marka maxaa soomaaliga loogu diidayaa inay Yahuudda Xiriir la lahaadaan?

 

Cudurka Jariirisada ama idinyada sababaha keena iyo daawada

https://twitter.com/maanshiil/status/1531308084118839296/photo/1

 

Laakin Soomaaliya waxaa dan ugu jirto inay ka dheeraato Yahuudda iyadoo eegayso dulmiga ay Yahuudda ku hayaan muslimiinta ku nool dhulka Falastiin muddo gaaraysa 74 sano ka badan. Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf oo aad u diiday xiriirka soomaali iyo Yahuudda:

 

 

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More