Riyooyinka is khilaafayo ma wada saxan yihiin

Su’aasha:

Asc walaalaha Daruur waxaa jirta Dhowr Riyooyin oo aad Ii fasirteen riyooyinka qaar waxay ahaayeen qeyr kuwana Shar Qaarkood waan arkay qaarna wali ma arkin

Hadaba waxaan is waydiiyey Riyooyinkan is wada Khilaafsan kuwana qeyrka ah kuwana sharta ah sidee u wada dhici karaan Tusaale ahaan waxaan ku riyooday aniga oo indhaha nabro iiga Soo baxayaan waxaa la iigu fasiray Danuub iyo macsi iyo Faqri hadana waxaan ku riyooday Cunto iyo caano anoo cabaya waxaa la iigu fasiray Hanti iyo Dhaxal

Sidee labadaas riyo aan u wada heli karaa maadama is wada qilaafayaan

Riyooyinka is khilaafayo ma wada saxan yihiin
Riyooyinka is khilaafayo ma wada saxan yihiin

Jawaabta:

Nolosha aadanaha waxay ka kooban tahay dhib iyo dheef, adduunka ma jiro qof waligiisa farxad kaliya ku jiraya sidoo kale ma jiro qof waligiisa murug ku jiraya, marba xaalad ayaad galaysaa, marka riyooyinka isma khilaafaan kaliya waxay tilamaamaan xalaadahaada kala duwan.

Fiiro gaar waxaan kuu sheegayaa maskaxdaada inay aad u shaqaynayso taasna waxaa laga fahmayaa su’aalaha aad soo qorayso,  ku dadaal inaad wax barato waxbarashada meel weyn ayaad ka gaaraysaa sidoo kale diinta inaad barato aad ugu dadaal.

You might also like
1 Comment
  1. Riyada lo’da i cersaneysa waa maxay
    Maajid says

    Insha Allah walaal aad baad u mahadsan tihiin

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More