Furiinka hal dalaaq ah naagtii lagu furo saacad kadib mala soo celin karaa

Furiinka hal dalaaq ah naagtii lagu furo saacad kadib mala soo celin karaa

Su’aasha:

A S C, bahda daruur aad iyo aad ban idin salaamaya, Su’aashan qabo waxa weeyan nin xaaskisa hal dalaaqa ku furay isla hal saaca kadib hadu idhah’do rajac’tu ma sax baa mise ma aha faah faahin iga siiya mahad sanid.

Furiinka hal dalaaq ah naagtii lagu furo saacad kadib mala soo celin karaa
Furiinka hal dalaaq ah naagtii lagu furo saacad kadib mala soo celin karaa

Jawaabta:

Furiinka hadduusan dhaafin sedex dalqo ninka naagtiisa wuu soo ceshan karaa, wuxuu dhihi karaa rajactu taasna waxay ku xiran tahay dhamaanshaha ciddada, haddii ciddada ay dhamaato wuxuu u baahan yahay meher cusub, marka haddii uu naagta furay daqiiqad kaddib uu rajactu dhaho taas way ansaxaysaa, xataa haddii uu dhunkado asoon la hadlin ama uu jirkeeda taabto asoo ka wado raaxo markaas xataa uma baahna inuu afka ka yiraahdo rajactu, loomana baahna inuu kala tashto taas idin la’aanteeda ayuu soo celin karaa, wuxuu yiri Alle (SW):

(وَالْمُطَلَّقَاتُ يَتَرَبَّصْنَ بِأَنفُسِهِنَّ ثَلَاثَةَ قُرُوءٍ ۚ وَلَا يَحِلُّ لَهُنَّ أَن يَكْتُمْنَ مَا خَلَقَ اللَّهُ فِي أَرْحَامِهِنَّ إِن كُنَّ يُؤْمِنَّ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ وَبُعُولَتُهُنَّ أَحَقُّ بِرَدِّهِنَّ فِي ذَٰلِكَ إِنْ أَرَادُوا إِصْلَاحًا ۚ وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ)

(Haweenka la furayna waxay sugi naftoodu saddex daahir, mana u banaana inay qariyaan waxa Eebe ku abuuray Makaankooda hadday yihiin kuwo rumeeyay Eebe iyo Maalinta dambe. Ragoodaana ku xaq badan soo celintooda arrintaas (cidadaas dhexdeeda) hadday doonaan wannag, Haweenkuna waxaay leeyihiin wax la mid ah waxa korkooda ah si fiican, Raggase waxaa ugu sugnaa korkooda Darajo (Dheeraad) Eebana waa adkaade falsan).

‏(وَإِذَا طَلَّقْتُمُ النَّسَاء فَبَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمْسِكُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ أَوْ سَرِّحُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ وَلاَ تُمْسِكُوهُنَّ ضِرَارًا لَّتَعْتَدُواْ وَمَن يَفْعَلْ ذَلِكَ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُ ‏)

(haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyay naftiisa)

Naagtii lagu furo hal dalaaq ama labo dalaaq rajo soo celin ayay leedhay laakin naagtii sedex dalaaq lagu furo lama soo celin karo ninkeedii hore ma guursan karo ilaa uu nin kale kasoo guursado oo uu soo furo.

Ninkayga ayaan furiin ka dalbaday naar miyaan ku galaa

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More