Ninkayga ayaan furiin ka dalbaday naar miyaan ku galaa

Su’aasha:

Asc sh waan kusalamay sheekh waxaan raba bal in aad iisheegto danbigan intuu dhanyahay waxan ahaa gabaryar oon garadkeedu ku filayan waxan laheshiiyay wiil madiya oo abahii kalidii dhalay hooyadana lahayn aana isku dah ahayn markii waa laysu keen maheriyay lkn niman qaar qarabadiisa yahiin qaana asxabtiisa ba igu diray oo damac guur iga lahaa wiilkii waxay igu dhaheen ninkaan waa sas wasan aninina gabaryarbaan ahaa wiilkii a wan diiday anagoon heernimo isku arkin aakhirkii waa layga furay markaa isaga waa dhawayd telkiisa helay icafi baan dhahay intaan lacag siyay wuuna i cafiyay markaa waxan maqlay naagta ninkeeda furitaan waydiisataa janada ma carfiso markaa wll haduu isagii i cafiyay danbiga may iga harayaa xoolihiisii maherka waa loo celiyay dhaman markuu ifurayay danbiga ma isagan ka galay oo icafiyi kara mise ilahay wll oo danbi dhaaf baan ilahay waydiistaa isavii hada waaba i cafiyee

Ninkayga ayaan furiin ka dalbaday naar miyaan ku galaa
Ninkayga ayaan furiin ka dalbaday naar miyaan ku galaa

Jawaabta:

Xadiiska kusoo arooray arrintaas oo ah:

(أيُّما امرأةٍ سألَتْ زوجَها طلاقَها في غيرِ ما بَأْسٍ ؛ فحرامٌ عليها رائِحَةُ الجنةِ)

(haweeney kaste weyddiisata ninkeeda furiin iyadoon dhib jirin jannada carafteeda xaaraan ay ka tahay)

Waa xadiiis saxiix ah oo Abuu Daawuud wariyay, wuxuuna ka hadlayaa naag waxba aan ka maqanayn oo rabta guriga inay dumiso.

Maadaama adiga aad yarayd oo been laguu sheegay adigana aad cafis ka dalbatay haddaad Alle u towbad keento Alle addoomihiisa towbadda waa ka aqbalaa, kuwa towbad keenana wuu jecel yahay, marka waligaaga iska ilaali dadka guryaha dumiya oo beenta faafiya, arrintaas dersi hakuu noqoto mar kale yaysan kugu dhicin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More