Farmaajo waqtigiisa haduu dhamaaday maxaa loogu yeeri karaa

Su’aasha:

Madaxweyne farmaajo wixii isniinta 8 February waxaa ka dhacaayo sharciyadii madaxweyne ee uu dastuurku u siiyey diintu maxay ka qabtaa mar haduu dalka galaayo firaaq dastuureed oo qoladii madaxweynaha ka soo hor jeeday ay rabaan in kursiga uu ku fadhiyo ay xoog kala wareegaan arintaas diinteenu maxay ka qabtaa.

Farmaajo waqtigiisa haduu dhamaaday maxaa lagu tilmaami karaa ama loogu yeeri karaa
Farmaajo waqtigiisa haduu dhamaaday maxaa lagu tilmaami karaa ama loogu yeeri karaa

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa diinta islaamka nidaamka xukunka ay aaminsan tahay iyo nidaamyada adduunka hadda ka jira inay kala duwan yihiin, nidaamka hadda soomaali ka jira waa nidaam aan ku salaysanyn nidaamka xukunka islaamka, wuxuu ku salaysan yahay nidaamka reer galbeedka oo ku dhisan xukunka in lagu tartamo madaxweynaha muddadiisa intaysan dhamaanin inuu doorsho qabto hadduu isu soo sharaxaayo xukunka inuu doorashada kasoo qaybgalo.

Markaan siyaasad ahaan aan u eegno Farmaajo waqtigiisa wuu dhamaaday waa inuu doorasho qabtaa, waliba waxaa la rabaa doorashada inay ka horrayso muddada uu ku eg yahay xukunkiisa, tusaale ahaan waxaa la rabay doorashada in la qabto bil kahor, laakin Farmaajo wuxuu khilaafay madaxdii ka horraysay sida Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii dagaal sidaa ku qarxo waxaa sabab u ah Farmaajo, waayo isaga ayaa khilaafay dastuurka dalka u degsan, wuxuu rabaa inuu sii joogo taasna way adag tahay in dadka lagula dhaqmo.

Waxaa yaab badan dad badan inay Farmaajo ku taageeraan qabyaalad iyagoo ka dhigaya qaran.

Cadaaladda waa wax loo baahan yahay marka Farmaajo siddeedda Febraury 2021 oo maanta ah wixii ka dambeeya shacabka ayuu ka mid yahay, waxaana la oranayaa madaxweynihii hore.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More