Farmaajo qofkii qaladkiisa sheego qaran dumis miyaa?

Su’aasha:

Waxaan la yaabay qoraalka aad soo galiseen oo madaxweynaha Qaranka ugu gafeysaan waxaan islahaa websitekan dad aqoonyahano ayaa ka shaqeeya oo culumo u badan lkn qoraalkii aad soo galiseen qofka qoray waa qof aragti gaaban leh oo qabyaaladu ku weyntahay marka Daruur.com ma qaran dumiska ayuu u adeegaa mise waa website cilmi laga kororsado.

Waa codsi qoraalkaas halaga saaro mareegta waayo sharaf dhac ayay ku tahay webkiina daruur

Farmaajo qofkii qaladkiisa sheego qaran dumis miyaa?
Farmaajo qofkii qaladkiisa sheego qaran dumis miyaa?

Jawaabta:

Haddaad u aragto qof shakhsi inuu qaran yahay aad iyo aad ayaad u aragti gaaban tahay, Farmaajo qaran ma aha waa qof muwaadin ah, oo dalka madax kasoo noqday xilkiisana dhamaaday ma aha in xoog uu ku haysto dalka, afarta sano uu hayay si xun buu u fashilmay marka maba aha in mar kale loo oggolaado inuu dalka ka taliyo, laakin waxaan kuu sheegayaa qabyaaladda waxay ku dhamaatay dadka Farmaajo ka dhigi raba sanam oo la rabo in loo taago dadka soomaaliyeed, waxaan kuu sheegayaa Farmaajo inuu yahay madaxweynaha ugu liita soo mara dalka Soomaaliyeed, kaliya wuxuu haystaa dad lacag ku qaata taageeriddiisa waxaan filayaa adiga inaad ka mid tahay dadka taageera laakin ma garanayo waxaad ku taageerayso ma qabyaalad baa mise waa hunguri!!!

Teeda kale webka Daruur wixii xaq ah kama leexdo qoraalka aad sheegtay inuu yahay sharaf dhac adiga iyo kuwa kula midka ah ayaa sidaas u arka laakin dadka caqliga leh way garanayaan Farmaajo inuu ku fashilmay xukunka taasna dood uma baahna, kaliya waxaa kugu filan inaad afar sano dib u eegto sidoo kale muuqaallada Farmaajo inaad dib u daawato, waa haddii aad wali caqli leedahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More