Farmaajo ma qaran baa mise waa muwaadin soomaaliyeed

Farmaajo ma qaran baa mise waa muwaadin soomaaliyeed

Farmaajo waa qof beesha caalamka ay wadato taas waxaa laga fahmi karaa waxyaalo badan uu kaga duwan yahay madaxdii dalka soo martay, Farmaajo gadaashiisa wax buu ku og yahay, kalsoonida uu qabo ayaa ku tusinaysa.

Farmaajo ma qaran baa mise waa muwaadan soomaaliyeed
Farmaajo ma qaran baa mise waa muwaadan soomaaliyeed

Marka aan u laabano nidaamka xukumka soomaaliya ka jira waa nidaam ku dhisan 4.5, marka beesha uu Farmaajo ka soo jeedo waa beel aan awood ku lahayd Muqdisho, waa beel xiligii Siyaad Barre si xun loo galay heer ay gaaraan inay ka cararaan magaalada Muqdisho oo ku dhuudhuuntaan moqor kaste.

Marka maanta marka lagsoo gudbay dagaalladii qabyaaladda haddana waxaa loo soo celinayaa qaab kale.

Marka dowladaha caalamka waxay la jiraan Farmaajo meesha waxaa ku gacangalay dadka Farmaajo ka soo horjeeda.

Marka aan u laabano Farmaajo shakhsiyaddiisa, waa qof xukun jecel oo ku riyoonaya inuu noqdo sidii Maxamed Siyaad Barre oo kale, wuxuu rabaa mar kaste inuu sameeyo doorasho been ah si uu u helo xukunka, wuxuuna sameystay taageereyaal badan qaar lacag ku qaata taageeriddiisa qaarna qabyaalad ayay ku taageeraan, kuwaasoo dhan waxay ka dhigaan qaranka inuu yahay Farmaajo qofkii Farmaajo diido qaranka ayuu diiday, marka arrinta run ahaantii ma yara, dadkan Hawiyaha ah waxaa ka maqan siyaasadda sida loo hago Farmaajo wuu kala daadiyay, Farmaajo aad buu u yaqaanaa siduu siyaasadda u cayaaro, dalka wax uu ka baddalay ma jiro laakin wuxuu keenay kaliya inuu naftiisa ka dhigo kaligii taliye.

Laakin waxaa dhici karta Farmaajo inay wax u tari waayaan dadka shisheeyaha uu isku hallaynayo, maxaayeelay dagaal sokeeyaha ayaa mar labaad soo laaban kara dalkana wuxuu galaa sidii uu ahaa sanado kahor.

Hadduu Farmaajo caqli leeyahay waxaa u fiican inuu u laabto meesha uu ka yimid, haddii fowdo ay dhacdo ma heli doono magaca madaxweynenimada.

Haddii ay dadka soomaaliyeed caqli leeyihiin Farmaajo haka saaraan villa Somalia waa in laga reebaa doorashada maxaayeelay ma mudanayo inuu wax u taliyo, boqolaal ayaa jooga oo isaga ka qiima badan kana fiican.

Reer Xamarku waxay dhahaan “Minii la yaabo yaasiinka” pic.twitter.com/y4gDKfgne2

— Mudane (@Mudane21) December 28, 2021

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More