Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 1aad)

Qoraalkani maaha midkii ugu horreeyay ee lagaga hadlo mawduucan balse waxaa jira qoraallo kale oo laga sameeyay kuna jira webkeenan daruur.com, ujeedada qoraalkayganina waa inaan sii xoojiyo maadaama mawduucani uu leeyahay ahmiyad wayn wakhtigan aynu kujirno oo dhallinyaro badani ku fitnoobeen aflaamta noocan ah. Akhristoow bal ila sawiro muuqaalkan “fulaan waa wiil dhalinyaro 20 jir ah, taleefankiisa smart phone ka ah ayuu gacanta kuhaystaa internet xawaarihiisu sarreeyana wuu isticmaalayaa isagoo kaligii ku sugan qolkiisa. Muddo yar kadib caajis ayuu dareemay wuxu qabtana wuu garanwaayay markiiba maskaxdiisa ayuu farriin kahelay taasoo ah inuu fiirsado aflaamta xun-xun waxaanu bilaabay inuu daawado. muuqaalba muuqaal kale ayuu usii dhiibaa waxyar kadibna dareenkiisii ayaa aad ukacay waxaanu bilaabay inuu sameeyo caadada sirta ah (siigo) nafis iyo raaxo ayuu dareemay lkn nasiib darro, maaha mid waaraysa! 10 daqiiqo kadib wuxu bilaabay inuu murugoodo oo uu ka qoomameeyo falkii foosha xumaa ee uu sameeyay, waa uu baxay , soo qubaystay, kadibna ilaahay ayuu danbi dhaaf waydiistay una toobad keenay waxaanu naftiisa ballan kula galay inaanu mardanbe samayn falka noocan ah laakiin maalmo yar kadib isla sidii ayuu markale sameeyay waxana ubilaabatay murugo iyo qoomamo kale waxaanay noqotay silsilad aan dhammaanayn illaa uu quus ka dareemay xaaladdiisa”. Tani waa xaaladda ay ku suganyihiin dhallinyaro badan oo fiirsada aflaamtan fuxshiga ah maskaxdooduna ay la qabsatay oo ay ku adkaatay inay joojiyaan balse waxa kaliya ee ay u baahanyihiin ay tahay in ay la yimaadaan go,aan adag iyo allah ka cabsi dhab ah si ay ujoojiyaan falka noocan ah.

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun

Daawashada aflaamtani waxay qofka daawanaya ukeenaan dhibaatooyin caafimaad oo dhanka maskaxda iyo dareenka ubadan iyo kuwo iimaanka iyo ruuxdaba dhaawac wayn ugaysta. Iyadoo aa lasoo koobi Karin dhibaatooyinka laga dhaxlo muuqalladaasi bal haddana dhawr qodob aynu katilmaanno:
1. Qalbiga oo madoobaada: sida uu inoo sheegay rasuulku (scw) qofka muslimka ahi marka uu danbaabo qalbigiisa waxa ku samaysanta dhibic madaw hadii uu toobad keeno oo uu ilaahay usoo noqdo dhibicdii madoobayd way ka tirantaa, hadii uu danbiyada kusii jirana dhibcihii madoobaa way sii bataan illaa qalbiga oo dhan ay daboolaan! Maalinta qiyaamahana cidda kaliya ee badbaadaysaa waa cidda ilaahay ula timaadda qalbi nadiif ah. Daawashada muuqaaladani waa sun aad qalbigaaga waraabinayso, iimaankaaga iyo allah ka cabsigaaguna aad ayay hoos ugu dhacayaan aakhirkana waad ku halaagmaysaa adduun iyo aakhiraba hadii aanad allah usoo laabanin.
2. welwel, walaac, iyo murug aan dhammaanin.
Welwelka iyo murugtu waa xaalado si caadiya usoo wajaha bini aadamka marka ay wax kusoo kordhaan ama ay dhibaato galaan, laakiin dadka daawada aflaamta galmadu sijoogto ah ayay u dareemaan waayo waxay dareemaan dareen danbiilenimo ah, yaxyax iyo xishood iyagoo umalyanaya in dadka kale ay ogyihiin falalkooda taasoo culays saarta maskaxdooda.

Lasocoto qaybta 2aad oo aan sifaahfaahsan ugusoo bandhigi doono qodobada kale ee ah dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada faaxishadan.

— Armaaan

QAYBTA 2-AAD

 

 

قُل لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَزْكَىٰ لَهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ (30)

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ 

   

(Waxaad ku Dhahdaa Mu’miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn. *

Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu’minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu’miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane.)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More