Canshuurta xoog la iga qadaya diinta maxey ka qabtaa?

Su’aasha:

Asc sxb waxaan rabaa su’aal inaa ku weydiiyo waana ka waayey webka marka nio canshuurta ganacsatada laga qaado dowlada iyo tan ay qaado shabaab anigoo ku qancsaneen hadii la’iga qaado diinta maxey ka qabta tan dowlada waa ku qanacsanahay sabatoo ah dalka ama si kle ayeey ugu fa’ideysahee lkn tan shabaab waa xoog keen hadi kle waa ku dilaa cml OO aan sidaas ku dhiboo.
Diintaana maxey ka qabtaa .
Balse ayadoo taas jirto ayeey waxey kuleel yihin Zako keen cml Zako diinta waa igu wajibisay waan dhiiba balse dhibka jiro waxey tahy waxey ayaga ku go’amiyo ayeey rabaan tusaale adigoo ku shaqeeyay 10 kun sanad ayeey ku leeyihin 40 kun keen. OO waxey kugu handadaayan in ay ku dilayaan ama ku xiraayan .

Canshuurta xoog la iga qadaya diinta maxey ka qabtaa?
Canshuurta xoog la iga qadaya diinta maxey ka qabtaa?

Jawaabta:

Canshuur wax la dhaho diinta islaamka kuma jirto, qofka muslinka hantidiisa si xaqdaro loogama qaadi karo nabiga (SCW) wuxuu yiri:

(لا يَحِلُّ لامرئٍ أنْ يأخُذَ عَصا أخيه بغيرِ طِيبِ نفْسٍ منه، قال: وذلك لشدَّةِ ما حرَّم اللهُ عزَّ وجلَّ على المُسلِمِ من مالِ المُسلِمِ)

(qof ama bannaana inuu usha walaalkiisa qaato asoon raalli ka ahayn, wuxuu yiri taas waa inay daran tahay xaaraantinnimada Alle ka xarrimay muslinka hantida muslinka kale)

Diinta waxay qabtaa zako wax la dhaho zakadana qaabka aad sheegtay dadka loogama qaado, sidoo kale meelo gaar ah ayaa lagu bixiyaa oo diintu sheegtay, qaabka hadda adduunka canshuurta loo qaado ma aha qaab diinta islaamka waafaqsan, midda dowladda iyo tan shabaab waa isku si qofka muslinka maalkiisa qaab canshuur loogama qaadi karo.

culimada muslimiinta  canshuurta hal xaalad ayay oggol yihiin in la qaado: waa marka dowladda muslinka ay baahi weyn u qabto oo danta guud ay ku fulinayso waxa ay dadka ka qaaddo, qasnadda dowladdana ay eber tahay, canshuurtaasna waxaa laga qaadayaa kaliya dadka hanitada leh tanaadka ah, lagama qaadi karo dadka tabarta yar oo masaakiinta ah oo quutulyoonkooda suuqa ka raadsada, intaas wixii kasoo haro waa xaraan.

Marka aan u noqono dowladda soomaaliya waxaad ogaataa canshuurta dadka laga qaado inay ku raaxaystaan dadka madaxda isku sheegaya waxay ku biilaan ilmahooda dibadda ku nool, sidoo kale guryo ayay ku gataan, sidaa awgeed qof kasta siyaasadda ayuu u ordaa si uu lacagta shacabka u cuno, kuwa shabaabna diin ayay sheegtaan markaas ayay iyagana hantida dad sidaa ku cunaan dhammaan waa tuugo.

 Wuxuu leeyahay Allaha xaqqa ah (SW):

{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لاَ تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُمْ بَيْنَكُمْ بِالْبَاطِلِ إِلاَّ أَنْ تَكُونَ تِجَارَةً عَنْ تَرَاضٍ مِنْكُمْ وَلاَ تَقْتُلُوا أَنْفُسَكُمْ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا}،

(Kuwa (xaqa) rumeeyow ha cunina xoolihiina dhexdiinna si baadil ah (xaaraam ah) inuu jiro ganacsi aad raalli isaga tihiin mooyee, hana dilina naftiinna, Alle wuxuu idiin yahay naxariistee) wuxuu leeyahay nabigeena (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ، دَمُهُ، وَمَالُهُ، وَعِرْضُهُ)،

(muslinka muslinka kale xaaraan buu ka yahay dhiiggiisa iyo hantidiisa iyo sharaftiisa)

(Ixtikaar ma sameeyo qof gef ku jiro mooyee),  wuxuu leeyahay Allaha xaqqa (SW):

{وَمَنْ يَغْلُلْ يَأْتِ بِمَا غَلَّ يَوْمَ الْقِيَامَةِ}

(Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta Qiyaame,) wuxuu leeyahay nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee):

(تَعِسَ عَبْدُ الدِّينَارِ، وَالدِّرْهَمِ).

(Waxaa halaagsamay addoonka diinaarka iyo dirhamka)

Marka wixii xoog lagaaga qaado maalinta aakhiro ayaa Alle kuusoo celinaya inshaa Allaah qofka qaadayna xisaab adag ayaa ka dambayso.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More