Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 2aad)

Mawduuceenii hore waxaynu si guud u tilmaannay Dhibaatooyinka ay keenaan daawashada aflaamta galmadu sidoo kale waxaynu si gaar ah u tilmaannay saamaynta taban iyo waxyeellada ay aflaamtani gaadhsiiyaan qalbiga iyo ruuxda, sidoo kale inay keenaan welwel iyo murug aan dhammaanin oo si joogto ah usoo wajaha qofka fiirsada aflaamtan. Mawduucanna waxaynu sii wadi donna dhibaaatooyinka kale ee ay keenaan oo ay kamid yihiin kuwan hoos kuxusani :

Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 2aad)
Dhibaatooyinka laga dhaxlo daawashada aflaamta xunxun (qaybtii 2aad)

3. Hilmaan aanad horey u lahaan jirin.

In muddo ah marka uu qofku fiirsado aflaamtan waxaa dhacda in xasuustiisu tartiib tartiib hoos ugu dhacdo ilawshuhuna uu ku bato taasoo caddayn u ah dhaawac soo gaadhay unugyada maskaxda oo ay muuqaalladan xun xuni ay saameeyeen. Tijaabooyin lagu sameeyay maskaxda bini aaadamka oo ah sawiro scan ah oo laga qaaday ayaa lagu ogaaday in daroogooyinka qaar kamid ah iyo aflaamtani ay qaab isku mid ah u saameeyaan qaybo kamid ah maskaxda.
4. Qofka dhalinyarada ah oo guurka naca.
Guurku waa waddo sharci ah oo ilaahay u jideeyay adoomihiisa si ay baahidooda si xalaal ah ugu gutaan. Qofku marka uu fiirsanayo muuqaladan faaxishada ah wuxu laasimaa siigada oo uu ka dhigto wado fudud oo uu baahidiisa ku guto guurkana ahmiyad masiiyo taasoo ugu danbayntii keeni karta inuu mustaqbalkiisu burburo. Xataa hadii ay dhacdo inuu guursado waxay u badantahay inuu xaaskiisa qancin kari waayo sababta oo ah muddo dheer oo uu siigo ku jiray, siigaduna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu horreeeya ee keena biyo baxa degdega ah (premature ejaculation) iyo ciniinnimada (erectile dysfunction)
5. Burburka qoyska.
Aflaamta galmadu waxay qofka fiirsada maskaxdiisa ku abuuraan muuqaalo aan xaqiiqada ku salaysnayn oo ah jilliin balse qofkani u malaynayo inay yihiin xaqiiqo, hadaba marka uu guursado wuxu damcayaa inuu xaaskiisa ugu tago ama ula dhaqmo sidii uu ku arki jiray aflaamtaas oo dabcan ah waxyaabo anshaxa iyo akhlaaqdaba ka baxsan balse isaga caadi la noqday, xaaskiisuna waa qof haysata fidradii ilaahay ku abuuray oo aan u dulqaadan Karin waxyaabaha uu ninkeedu ka rabo iyo sida uu ula dhaqmayaba taaasina ay keenayso khilaaf xooggan oo sababi kara furriin. Sidoo kale waxaa dhici karta inuu xaaskiisa dareen ku heli waayo oo ay ula muuqato qof aan soojiidasho lahayn maadaama muuqaalo gaar ahi maskaxdiisa ku abuurmeen taasina ay keento inuu kasoo bixi waayo xaqii gogosha ee ay ku lahayd ugu danbaynna ay kala tagaan.
6. Sinada oo qofka la fududaata.
Sinadu waa mid kamid ah danbiyada waawayn ee lagu halaagsamo hadii aan ilaahay looga toobad keenin, aflaamta galmadu waxay si joogto ah u kiciyaan dareenka qofka fiirsada waxa kaliya ee uu ku fikiraana waa sidii uu baahidisa u gudan lahaa wado kasta oo uu u maro, indhihiisa ma laabi karo dumarkana indhaha ayuu la raacaa, xataa waxa dhici karta inuu falal foolxun ku kaco sida kufsiga oo kale. Daraasado badan oo lagu sameeyay shakhsiyaad loo haystay kiisas kufsi ah waxaa lagu ogaaday in qaar badan oo kamid ahi ay fiirsan jireen aflaamta galmada.
7. Waa laqabatimaa
Muuqaallada galmadu waa sida daroogada oo kale markasta oo aad fiirsato waxaad doonaysa waxbadan inaad sii fiirsato, muuqaalladii hore qofka waxba kama badalaayaan waayo maskaxdaiisa ayaa laqabsatay sidaa darteed marwalba wuxu raadinayaa muuqaalo kale oo cusub oo uu kahelo dareenkii u ka heli jiray kuwii hore sidaas ayaanu ku soconayaa illaa uu gaadho meel aan aanu kasoo laaaban Karin. Waxa jira goobo lagu daaweeyo dadka aflaamtan qabatimay si ay noloshoodii dabiiciga ahayd ay dib ugu helaan.
8. Tayada nolosha oo guud ahaan hoos u dhacda.
Qofka fiirsada aflaamtani wuxu noqdaa mid bulshada ka dhexbaxa, marwalba niyad jabsan, cabsi dareemaya, noloshana aan hadaf ka lahayn. Sidoo kale wuxu u nuglaadaa inuu isticmaalo noocyo kale oo daroogooyin ah oo uu qabatimo taasoo noloshiisa kadhigaysa jaxiima mugdi ku hareeraysan yahay.
Ugu danbayn qof walba oo ku fitnoobay aflaamtan fuxshiga ah waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu ka shaafiyo.

— Armaaan

QAYBTA 1-AAD

 

قُل لِّلْمُؤْمِنِينَ يَغُضُّوا مِنْ أَبْصَارِهِمْ وَيَحْفَظُوا فُرُوجَهُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَزْكَىٰ لَهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا يَصْنَعُونَ (30)

وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ     

(Waxaad ku Dhahdaa Mu’miniinta Ha Laabeen Indhahooda (Daymada Reeba) hana ka Dhawreen Furuujtooda (Zinada) saasaa u Wanaagsan, Eebana wuu Ogyahay waxay Sameyn. *

Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu’minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda Muujininna Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Dadeen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Toobad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu’miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane.)

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More