Bisad baan iga harin inay shaydaan tahay malaga yaabaa

Bisad baan iga harin inay shaydaan tahay malaga yaabaa

Su’aasha:

Asc bahda daruuro ilahay ah idin xiftiyo aakhiro aduunba idinka iyo awlaadiinaba bogaan waxbadan ayaan kabadatay kana faa iday intaan kusoo biray
Walayal waxan maqlay in bisada ama yaan yuurta ay shaydanmadu adeegsadan sh yutub ku jira kadhagaystay hadaba waxaa jirta bisad gurigaya korkiisa aan ogalayn in ay kadagato xili kasta haday qoraxtahay iyo hadiikalaba gurigan 2sano daganahay waysaran tahay guri kaloon kasoo gurayna bisad iyada u egbaa gidarka iisaarnan jirtayarjaa maxay noqonkar ani xoogaa waan xanuunsanayaa quraanka hadan aqri is dhaho jirkaa iruxmaya dabna wuu iga baxayaa jirka takale dhinac ayaan zanuunkadareemaa hadan dhaqtar tago wa ba layguma sheego hadaan xoog quraanka u aqriyo waxan meesha kaso baxaya hursaa id ah markaa hada wa an isku arkay ulays sa id ah oo isaaran iyo cagahoo i huraya saa id

Bisad baan iga harin inay shaydaan tahay malaga yaabaa
Bisad baan iga harin inay shaydaan tahay malaga yaabaa

Jawaabta:

Jinka iyo shayaadiinta waxay iska dhigi karaan xayawaanada qaar sida bisadda iyo eeyga oo kale waliba midabka madooban, لاbisad ama eey madooban way dhici kartaa inay shayaadiinta soo galaan, kuwa saxirooleyaasha mararka qaar waxay adeegsadaan jinka awoodda u leh inuu xayawaan iska soo dhigo, sida blaakin ma aha bisad kaste aad aragto ama gurigaaga soo gasho inay shaydaan tahay ama shaydaan saaran yahay, laakin calaamadaha aad sheegayso shaki ayay leeyihiin, ku dadaal quraan akhriska ha joojinin kuna dadaal weysada iyo salaadaha iyo xuska Alle adkaar badan akhri.

Xadiis ayaa kusoo arooray eeyga madow, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(الكَلْبُ الأسْوَدُ شيطانٌ)

  صحيح مسلم 

(Eeyga madow waa shaydaan)

Wuxuu yiri Ibnu Taymiya:

(الْكَلْبَ الْأَسْوَدَ شَيْطَانُ الْكِلَابِ ، وَالْجِنُّ تَتَصَوَّرُ بِصُورَتِهِ كَثِيرًا ، وَكَذَلِكَ صُورَةُ الْقِطِّ الْأَسْوَدِ؛ لِأَنَّ السَّوَادَ أَجْمَعُ لِلْقُوَى الشَّيْطَانِيَّةِ مِنْ غَيْرِهِ وَفِيهِ قُوَّةُ الْحَرَارَةِ)

(Eeyga madow waa shaydaanka eeyaha, jinka isaguu iska soo dhigaa, sidoo kale qaabka mukulaasha madow, maxaayeelay midabka madowga wuxuu ka uruurin badan yahay awoodda shaydaaneed midabyada kale waxaana ku sugan kulayl xooggan)

 

Riyada Bisada halkan ka daawo

 

Waqtiga maqribka in la xiro miyaa albaabada iyo daaqadaha

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More